LAASCAANOOD: MADAARISTA ALQALAM OO XAFLAD QALINJEBIN KU KULANTAY

0
256

Arday tiradoodu dhantahay 14 kana qalin jebiyey Dugsiga Hoose/Dhexe ee Alqalam ee degmada Laascaanood iyo, sidoo kale, arday ku soo biirtay dugsiyadaasi sannad dugsiyeedkan cusub ayaa loogu qabtay xaflad isugu jirta sagootin iyo soo dhoweyn magaalada Laascaanood.

Macallin Cali Axmed Cabdiraxmaan, Maamulaha Guud ee Dugsiyada Madaaris Alqalam, oo ka soo qayb galayaashii xafladda warbixin kooban siiyey ayaa tilmaamay in ardayda qalin jebineysaa tahay Dufcaddii Koobaad ee Alqalam ka qalinjebisa. “Waxay [Alqalam] ka koobantahay afar [4] dugsi oo ku yaala Bariga magallada Laascaanood” ayuu tilmaamay Maamule Cali.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKAAS OO FAAHFAAHSAN:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin