LAASCAANOOD, SAAMI QAYBSIGA: “SIDII NALOOGA BOOBAY KURAASTAYADA DIB NALOOGU DIBIN DAABYEYNMAAYO”

0
846

Waxgarad iyo siyaasiyiin u dhashay Gobolka Sool oo ku sugan degmadan Laascaanood ayaa waxrbaahinta fariin digniin ah u mariyey Golayaasha iyo Xukuumadda Somaliland taasi oo ay kaga hadleen inaan degaamada Sool,, Sanaag iyo Cayn laga qaban doonin doorashada Golaha wakiilada haddii aan la siinin saamiga ay xaqa u leeyihiin.

Warbixin uu Weriye Cabdiraxmaan Olol oo ka mid ah weriyeyaasha ugu caansan Gobolka Sool kana hawlgala KALSAN TV ka qaaday waxgaradka Laascaanood ayaa si mug leh u muujisey sida ay dadweynaha Sool u diidanyihiin lixda [6] kursi ee ay hadda ku leeyihiin 82ka kursi ee Golaha Wakiilada Somaliland.

Mudane Cabdi Cabdilaahi oo ka tirsan siyaasiyiinta Gobolka Sool ayaa Xukuumadda u tilmaamay in helitaanka Saamigu yahay shuruudda koowaad ee degaanadan looga qaban karo Doorashada Wakiilada, wuxuuna sheegay “ama ha la kordhiyo ama yaan la kordhin [muddada] degaanadaa aanu degganahay doorasho ka dhacaysaa ma jirto ilaa la beddelo saami qaybsiga”. Mudane Cabdi wuxuu daaha ka feydey in kuraastii ay xaqa u lahaayeen dadweynaha SSC laga boobay isagoo taasi ku meteley Kufsi, “Sidii nalooga kufsaday ee nalooga boobay kuraastayadii dib nalooga boobi maayo” ayuu ku goodiyey.

Sidoo kale Caaqil Sanyare oo isna saxaafadda la hadlay ayaa ku adkaystay inaan Somaliland diyaar u ahayn wax wada lahaansho isagoo tusaale u soo qaatay saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada. “Shanta beelood ee Somaliland deggan, beesha Isaaq mooyaane afarta beelood ee kale waxaan leeyahay Somaliland uma diyaar aha Saami Qaybsi iyo wax wada lahaansho midna”.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARBIXINTII WERIYE CABDIRAXMAAN OLOL:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin