LAASCAANOOD: Soo-dhawaynta Majaajileysteyaasha Iyo Dhiirigelin la’aanta Dhiggooda Laascaanood.

0
303

Majaajileystayaasha Sooraan iyo Jawaan ayaa Laascaanood lagu soo dhaweeyay. Jillaaga, Qoraaga, Hal-abuurka iyo Warfidiyeenku waxa ay wadaagaan dallada Fanka oo dhammaantood fariin farshaxamaysan oo hab iyo hannaan u gaar ah loo gudbiyo ayaa ay maanka ruuxa hummaag ahaan ugu tusaan. Waxa aan uga socdaa in aan Bahda Fanka meelo badan kaga jiro oo nacaybkoodu anniga igu soo noqonayo. Aragtida ay doonaan ba ha xambaarsanyihiine in ay Laascaanood xirfadooda la yimaadaan curshi ku ma jiro, oo in shakhsiyadooda kal-furnaan lagu maammuuso waa gobbanimo.

Dhankaa dhan dheh, si aan loo mooddin in aan Martida masuuggay oo marradu iga dhacday. Ha sugi waayin isku-dhoonka qalinkee waxa aan maagganahay Is-diidmooyinka ku salaysan aragtida Fanka ee reer Laascaanood ka soo fulaya.

Gellinkii hore ee maalintii Ciidul-fidriga ayaa waxa daloolka dhegahayga ku soo dhacay,”Oggaysiis” gaadiid nooca raaxada loo yaqaan cod-baahiye ku xidhan laga sii daynayo. Waxa wiilkii oggaysiiska baahinayay ku celcelinayay in Caawa Riwaayad lagu qabanayo Laascaanood iyo qiimaha kaadhka oggolaanshaha lagu daawanayo.

Farxaddii ciidda, waxa ii qurxiyay in ay weli nooshahay Dhallinyaro fanneed bulshada baahideeda Fan ugu soo gudbin karta. Hadda fanku maaha heblaayooy soorta la’aantaa ma cuno, habbeenkii ma seexdo iyo waa aan ku dhimmanayaa. Fanka Bulsho ayaa dareenkooda lagu noolayn kara lagu na dili karaa, oo waa Jaamacad bulshada dareen walba iyo xaalad walba laga ga haqabtiro oo loo xambaariyo, Diin, Aqoon, Horumar, Ganacsi, Aragti, Dhaqan, Dhaliil, Wacyigelin, Waddaninimo, Barbaarin, Caafimaad, Xorriyad, Siyaasad IWM.

Malahayga qalinka ayaa ila taraaraye, aan dib kuu gu celiyo Riwaayaddii aan u riyaaqay, halka ay kuu aayootay na kuu soo koobo. Wax aan u kuurgalay waxa ay Dhallinyarada masrixiyadda dhigayaa fankooda kaga hadli doonaan. Waxa aan oggaaday in ay daarrantahay Wacyigelin Qabyaaladda ku saabsan, annigu na waa aan ku sii diirsaday oo in ay dawo u noqon karto dagaal beelleedyo xiligaas dareenkeennu ku foogganaa ayaa aan is tusay.

Nasiib-daro, isla habbeenkii ba waxa aan ka war helay in Dhalintaasi laga hor-joogsaday Masrixiyaddii ay Maalka, Maskaxda iyo Maamulka u hurreen. Waxa xitaa la ii sheegay in ay dadkii dhaliilay ay u caddeeyeen in aan wax Muusig, iyo Heeso ah aanay ka mid ahayn Riwaayadda oo ay ba indhahooda ku daawan karaan, bal se hirgelinta hammigoodii uma rummoobin oo waa laga arfacay oo han-jab, hungo iyo ciil ayaa ay la hoydeen, cid reer Laascaanood ah anniga na ku dar oo ay hiil ka heleen ma jirto ama xitaa oggayd ba, haddii la oggaana wax sii riddan loo ma arkayn.

Mid dhallinyaradaas ka mid ah oo Macallin iigu yeedha, ayaa aan dhawr casho ka hor arkay oo waxa aan warsaday Riwaayaddii cidda u diiday in ay jillaan ? Waxa uu iigu warceliyay Culimadda Magaalada ayaa denbi u aragtay oo naga horjoogsatay. Intaa kaga ma hadhine ma fannaaniin ayaa idin wehelisay ? Maya anniga iyo Hebel iyo Hebel wada reer Laascaanood ah ayaa uu dabada ii qabtay.

Waa aan gunnaanadayaaye, Sooraan iyo Jawaan in Laascaanood ay Riwaayaddo Wacyigelin Bulsho, oo aan Siyaasadda lagu haddoodilin, Xayaysiisyo Ganacsi, iyo Arimaha Dhaqanka ee la wadaago ba ku soo bandhiggaan, waa aan soo dhawaynayaa oo sidii aan hore ba u xusay uga ma ba’ayo. Waxa aan se intaa ku ladhayaa cid gaar ah dhaliili maayee in Dhammaan qaybaha bulshadu u Dhimriso, Dhiirigeliso, Dhaqaalayso Dhallinyarada reer Laascaanood ee hibbada Fanka iyo Jillida lagu higgaagay ee Sooraan iyo Jawaan u dhigma ama booskooda ba reer Laascaanood u buuxin lahaa. Dhan walba in aynu ka dheellino waa dhibaato wayn oo dhallan-rog ummadeed keeni karta. Bulsho walba inta fankeedu le’egyahay ayaa Ilbaxnimadeeda, Dhaqankeeda, Siyaasadeeda iyo Aqoonteedu ba le’egyihiin.

Qalinkii: Aadan Jaamac Oogle ( Xabeeb )

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin