LABA WEERAR: SANGUUNI OO LA WEERARAY, MAKAB GANTAALO LAGU RIDEY

0
431

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa saakay ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii Shabaab ay weerareen xerada Ciidanka Baar Sanguuni.

Wararka, ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu ku bilowday weerar Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxa.  Waxaa xigay weerar toos ah oo dabley Al-shabaab ahi ku qaadeen isla goobtii, iyadoo Labada dhinac isku adeegsadeen rasaas xoogan.

Kooxda Al-Shabaab waxay sheegteen dagaalkaasi inay kula wareegeen xerada Ciidamada, sidoo kalena askar badan halkaasi ay ku dileen.

Ma jiraan ilo dhexdhexaad ah oo goobta ka soo waramay, haseyeeshee Saraakiisha Ciidanka DFS ayaa beeniyey jiritaanka warka ay kooxda Alshabaab ku sheegtay guulaha hal dhinac ah..

Ciidanka DFS ayaa ku waramay, dhankooda, inay iska caabiyeen weerarka kaga yimid dhanka Shabaab.

Xaaladda aaga xerada Baar Sanguuni ayaa hadda waxa ay tahay mid degan.

Dhanka kale, wararka ka imanaya Gobolka Shabeelada Hoose ee Koofurta Somalia ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay weerar xoogan lagu qaaday Dekedda Magaalada Baraawe.

Weerarka ayaa la sheegay inay geysteen dabley katirsan Shabaab, iyadoo guud ahaan Magaalada laga maqlayay Jugta madaafiicda ay isweydaarsanayeen dhinacyada dagaalamayey.

Gudoomiye Kuxigeenka Maaliyada ee Gobolka Shabeelada Hoose, Mudane Cabdifataax Xaaji Cabdulle, ayaa sheegay in goobta la bartilmaameedsaday ay eheyd Dekedda Baraawe oo xiligaas uu taagnaa markab weyn oo saanad ciidan sidey.

Markabka ayaa waxaa laga dejinayay hub, dhar ciidan iyo rasaas ay leeyihiin Ciidanka AMISOM ee ka hawlgala Gobolka Shabeelada Hoose.

Kooxda AlShabaab ee weerarka soo qaaday ayaa watey Doonyo dheereeya oo ay ka soo ridayeen Qoriga garbaha laga gano iyo Madaafiic kale, lamana oga wax kahsaare ah oo ka dhashay weerarkaasi.

Shaqadii ka socotay dekedda ayaa mar kaliya istaagtay iyadoo baqdin ay la soo deristay shaqaalihii saanadda milateri ka dajinayey markabka kuwaasoo goobtii ka kala yaacay.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin