MADAXWEYNAHA FEDERAALKA OO LA KULMAY GUDDIGA DHAQAALAHA QARANKA

0
160

Xeeldheerayaal ku takhasusay cilmiga Dhaqaalaha iyo maaliyadda ahna Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Federaalka maanta.

Kulankani oo ahaa is xog waraysi ayay Madaxweyne Farmaajo iyo Guddigu ku lafa gureen qaabkii loo dardargelin lahaa cilmi baadhis mug leh oo lagu ogaanayo fursadaha dhaqaale ee lagu hormarin karayo nolosha, maceeshadda, iyo shaqo abuurka Soomaalida.

Gebagebadii shirka ayaa Dr. Cali Ciise oo ka tirsan xubnaha guddigan, muddo dheerna soo ahaa Wakiilka hay’adda IMF u fadhiya Bariga iyo Badhtamaha Afrika, sharaxaad ka bixiyey wadahadalkii ay la yeesheen Madaxweynaha Federaalka.

”Muddo lixdan sanadood ah ayay inaga qaadatay” ayuu tilmaamay Mudane Dr. Cali isagoo  ka hadlaya dhisitaankii Guddiga.

HALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKII DR. CALI CIISE:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin