MADAXWEYNAHA MAAMULKA KHAATUMO OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHOWEEYEY BUUHOODLE, MUDAHARAAD LAGU ABAABYLAY OO DEGDEG U ILKA BEELAY

0
382

Prof. Cali Khaliif Galaydh, Madaxweynaha Maamulka Khaatumo ayaa maanta safar dhulka ah ku tegey Xaruntiisa Ku meel Gaadhka ah ee Buuhoodle.  Madaxweyne Galaydh, oo ka soo kicitimay degmada Widhwidh oo uu maalmo ku soo hakaday kadib markuu ka soo laabtay Shirkii Jabuuti ee Somaliland iyo Khaatumo, ayaa gaadiid fara badan oo ay kala wateen saraakiisha Khaatumo ee ku sugnaa Buuhoodle, madax dhaqameed, waxgarad iyo taageerayaasha Madaxweynaha oo kaga hortegey goob ka fog magaalada halka ay boqolaal dadweyne ah oo xamaasadaysanina sacab iyo calanka Khaatumo la taagnaayeen wadooyinka magaalada ee ku aroora xaruntiisa.

Warar aanu ka helnay Buuhoodle ayaa noo xaqiijiyey in mudaharaad kooban oo aan si fiican loo soo abaabulin ay isku dayeen koox dhalinyaro ah haseyeeshee uu markiiba kala daatay kadib markii ay bulshadii tirada badnayd ee Prof. Galaydh soo dhoweyneysey gacanta ula tagtay oo kala eridey.

Wefdiga Madaxweynaha ee Buuhoodle gaadhey waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada ee Khaatumo, waxaana la filayaa in Maamulku dhowaan soo saari doono war saxaafadeed ku saabsan soo guryo noqoshada iyo qorshaha maalmaha soo socda ee Madaxweynaha iyo dhacdooyinka kale ee ku xeeran.

 

 

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin