MADAXWEYNE GAAS: BOOQASHADA WERSHADAHA HUBKA ETHIOPIA

0
553

Madaxweynaha Dawladgoboleedka  Puntland Prof. .Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u joogaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia ayaa kormeer ku tegey Wershadaha Hubka, Rasaasta, Gawaadhida dagaalka iyo kuwa Raaxada ee dalka Ethiopia ee lagu magcaabo METEC IYO GAFAT.

Kormeerka ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle, Wakiilada Puntland ee Ethiopia Mahad Faarax Gaas iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo kamid ahaa waftigii Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaadhey Wershadaha waxaa kusoo dhoweeyey masuuliyiin sarsare oo katirsan maamulka Wershadaha iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Ethiopia, waxayna  ka wada hadleen Madaxweynaha iyo masuuliyiintaasi sidii Dawladgoboleedka  Puntland uga faa’iidaysan lahayd wax soo saarka warshaddaasi.

hubka_13 hubka_11 hubka_4 hubka_7 hubka_5

 

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin