MUHIIM, LAASCAANOOD: INA KAAHIN OO QORSHE SHAKI LEH BILAABAY, ERGOOYINKII NABADAYNTA BEELAHA KOOFURTA LAASCAANOOD OO JIGJIGA U RUQAANSADAY

0
225

Wararka soo gaadhayaa magaaladan Laascaanood ayaa xaqiijinaya inay Caasimadda Dawladda Soomaalida ee Itoobiya [DSI] u boqooleen maanta dhammaan ergooyinkii labada beelood ee dagaalku ku dhex maray Koofurta Laascaanood iyo ergooyinkii dhaxdhexaadinta oo uu hogaaminayo Garaadka Guud ee Madaxdhaqameedka Kililka Shanaad, Garaad Kulmiye Garaad Wiilwaal.

Afartan iyo laba [42] xubnood oo beeshiiba soo ergeysatay kow iyo labaatan [21] xubnood ayaa ka mid ah dadka hawsha nabadaynta ee dhibaatadaasi u xuslu duubtay una kolonyeystay dhanka magaalada Jigjiga.

Dadweynaha magaalada Laascaanood ayaa si weyn u soo dhoweeyey kaalinta waxkuoolka ah ee Soomaalida Itoobiya ka qaadatay hawshan nabadaynta iyo Gurmadkii gargaarka ahaa ee Madaxweynaha DSI, Mudane Mustafe Cagjar, la soo gaadhay dadkii ku dayacnaa hawdka ee ka barakacay degaanadii iyo tuulooyinka dagaalku aafeeyey.

Dhanka kale, warar dhiilo leh oo la isla dhexmarayo degmadan Laascaanood ayaa muujinaya in Wasiiro uu hogaaminayao Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin, ay durba magaalada ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo shaki leh oo dadka qaar u fasirteen in lagu oofwareemayo nabadaynta loo ambabaxay.

Warar aan ilaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin ayaa tibaaxaya in Wasiir Kaahin iyo kooxda la socota ay magaalada ku soo dhex dhaceen markii ay ka war heleen in wufuuddii nabadayntu boqooshay iyagoo la sheegay inay urursanayaan dad labada beelood u dhashay oo loo balanqaaday maalinjoog la siin doono, kuwaasoo lagu sheegi doono Guddi Nabadayn oo kale oo laga doc faruurayo heshiiska socda.

Hore waxay dadka Gobolka Sool cabasho weyn ka muujinayeen hab dhaqanka Xukuumadda Somaliland iyo Ciidankeeda.  Dableyda geysatey dhiimashada iyo dhaawaca xad dhaafka ah ee labada dhinacba waxaa dadku isku waafaqsanyahay inay yihiin ciidan beeleedyada ay goobahaasi ku biilaan Ciidanka Somaliland.  Sidoo kale, habeenimadii dagaalku qarxi dooney waxaa goobtii lagu ururiyey dableyda laga qaaday Ciidankii Somaliland taasoo dadka u muujisay dhagar loo maleegay.


Fiiro Gaar ah:  Wixii xog, war, sawir, faallo, ama cabasho ah ee warkan ama wararka kale ee bartan ku saabsan fadlan noogu soo dir emailka: [email protected]

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin