Muqdisho oo xus ka dabatag ah loogu sameeyey dhalashada Boqorada Elizabeth II

0
599

Safaaradda dalka Britian ku lee yahay Muqdisho ayaa qabatey xus loo sameeyey dhalashadii Boqoradda Elizabeth II, kadib markii ay bishii Abril 21 buuxisey 90 sano.

queen

Xuska loo dhigey Boqorad waxa ka soo qaybgalay raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, qaar kamid ah golihiisa wasiirada, saraakiiha ciidanka Dowladda federaalka iyo masuuliyiin kale.

Safiirka dalka Britain ee Soomaaliya gabadha la yiraahdo Amb. Harriet Mathews ayaa khudbad ka jeedisey xuskii dhalashada Boqoradda, aidoo kale waxaa ka hadley munaasabaddaas Raysalwasaaraha Soomaaliya oo ka sheekeyey xiriirka britian iyo Soomaaliya.

Xuska dhalashada Elizabeth II oo ay ka soo wareegtey 90 sano ayaa dalka Britain si weyn loga xusey maalintii ay dhalatey ee Abril 21, sidoo kale waxaa laga xusay dalalka ay Boqoradda u tahay ee kanada, Australia iyo New Zealand inkasta oo xafladda Muqdisho ahayd mid soo daahdey.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin