MUSUQMAASUQA IYO BOOBKA GALMUDUG KA SOCDA OO AY WASIIRADII XUKUUMADDU U ADKAYSAN WAAYEEN, LABA XUBNOOD OO IS CASILEY

0
195

Guuleed GalmudugLaba wasiir oo ka tirsanaa Dawlad Gobolleedka Galmudug ayaa ka tegey xilalkii ay ka hayeen maamulka, kaddib markii sida ay sheegeen ay u adkeysan waayeen musuqmaasuq lagu sameeyay doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee ka dhacday Cadaado.

Wasiiru Dawlihii Caafimaadka ee Dawlad gobolleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa shalay sheegay in uu isaga tagay xilkii uu ka hayay maamulka, kaddib markii sidda uu hadalka u dhigay musuq maasuq iyo boob cad lagu sameeyay doorashadii maanta ka dhacday degmada Cadaado

Doorshadan uu ka cabanayo wasiirka ayaa waxaa ku soo baxay C/shakuur Cali Mire, isagoo sheegay in xildhibaankacabdishakuur-cali-mire soo baxay iyo musharixii la tartamayay labada midkoodna aheyn jifadii laheyd kursiga lagu tartamay, arintaasoo uu ku eedeeyay inay ka danbeeyeen mas’uuliyiinta sare ee Maamulka Galmudug.

Sidoo kale, waxaa shalay iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka wasiir ku-xigeeenkii wasaarrada Maalgashiga iyo Jaaliyadaha C/salaan Ibraahim Faarax oo sheegay in uu shaqada uga tagay musuq musuq lagu sameeyay kursi ay beeshiisa laheyd.

Is casilaadan ayaa imaneysa xili tan iyo markii ay bilaawdeen doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ee dalka soo baxayeen kiisas la xiriira in la musuq maasuqay kuraasta qaarkood, waxaana la sheegay in gobollada qaar la adeegsaday awood ciidan, sidda ay horayba u sheegeen guddiga doorashada federaalka.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin