ODAYAASHA BEESHA J. SIYAAD, LAASCAANOOD: “SACAD MUUSE HA NAGU SOO CELIYO GAADHIGAYAGA”

0
930

“Beesha Sacad Muuse oo aanan hore madmadow u lahayn, xumaanina noo dhaxayn, waxaanu leenahay ragga isku keen xumaynaya qabta, oo hantida dadka ka qabta, oo nagusoo celiya gaadhigaa” – Wayeelka Beesha Jaamac Siyaad, Laascaanood.

Odayaal ka tirsan Beesha Jaamac Siyaad ee Degmada Laascaanood ayaa maanta saxaafadda kula hadlay degmada iyagoo ka cabanaya gaadhi ay sheegeen in ay warka ku hayaan in sifo sharciga iyo shareecadaba weydaarsan looga qaadanayo.

Sida ay waayeelkani ku warbixiyeen, arrinkan ayaa ka dhashay shil gaadhi oo muddo hadda laga joogo toban [10] sanadood ka dhacay goobta loo yaqaano Koodayare ee ka tirsan Gobolka Hargeysa.  Shilkan ayaa waxaa ku waxyeeloobey laba gaadhi oo ay kala leeyihiin laba hantiile oo ka soo kala jeeda Beesha Jibriil Abokor ee degmada Gebiley iyo Beesha Jaamac Siyaad ee degmada Laascaanood.  Sida ka muuqata warbixinta odayaasha Laascaanood, gaadhiga laga leeyahay degmada Laascaanood oo uu leeyahay Ganacsade Jaamac Iidle Cali markii uu shilka galay waxaa wade [darawal] ka ahaa nin ka soo jeeda beesha Jibriil Abokor ee Gebiley.  “Gaadhigayga nin Jibriil Abokor ah baa wadey, kay isku dhaceena nin Jibriil Abokor baa lahaa”.

Waayeelkan ayaa saxaafadda u sheegay in dacwadani socotey muddadaas tobanka sanadood ah balse ay gunaanadkii ku soo dhamaatay inaan Jaamac Iidle Cali, mulkiilaha gaadhiga beesha Laascaanood,  waxba loo raacayn.  Haseyeeshee waxay tilmaameen in gaadhigoodii si jujuub ah looga qaadanayo iyagoo taas ka warbixnayana waxay sheegeen “Nimankii Reer Gebiley waxay yidhaahdeen gaadhiga Dhulbahante iyo kaayagaba waanu kaxaysanaynaa…Waa arrin aanu garanweyney sharcigeeda, waa arri naan Shareecada ku jirin..”

Waxay odayaasha Beesha Jaamac Siyaad codsi u dirsadeen xukuumadda iyo beesha Sacad Muuse. “Waxaanu mushkati ka nahay gaadhigaa [Jaamac Iidle] sida loo haysto ee xoogga u eg, ee meelmarsiga u eg, ee [noqonaysa] anaga iyo Sacad Muuse inaanu isku xumaano” ayay sheegeen waayeelkaasi.  Waxay odayaashu dood ku mataanaysan cabashadooda ku tilmaameen “halkan waxaanu ku haynaa inaan Daabadda [Gaadiidka] kiis lagu lahayn, ninka dhaqaajiyaa [darawalka] ayaa kiis lagu leeyahay” ayay ku nuuxnuuxsadeen.

Gebagebadii, Odayaashu waxay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Beesha Sacad muuse ka codsadeen in hantidan la soo celiyo.  “Waxaanu ka cabanaynaa kuwa xumaanta wada, waxaanu u cabanaynaa Guddiga Sacad Muuse iyo waxgaradka Jibriil Abokor iyo xukuumadda Somaliland ee uu u horeeyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobola Maroodijeex waxaanu leenahay kiiskaas cadaalad ha lagu eego. Beesha Sacad Muuse waxaanu ka codsnaynaa inay nagu soo celiyaan hantidayada”

HALKAN KA DAAWO WARKAAS OO MUUQAAL [VIDEO] AH:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin