PROF. GAAS IYO MUUSE BIIXI: YEEDHISTA ABIYE IYO XAALADAHA ALOOSAN

0
668

Warar lagu kalsoonyahay oo ka soo baxaya ilo kala duwan oo ku filiqsan Addisabeba, Garowe iyo Hargeysa ayaa bidhaamiyey in uu jiro qorshe ay Dawladda Ethiopia ku faragelineyso colaadda Maamulada Puntland iyo Somaliland ee ku waajahan degaanada Sool, Sanaag iyo Cayn [SSC].

Madaxweynayaasha maamuladaasi, Prof. Gaas iyo Muuse Biixi, ayaa la tilmaamay inay maalmaha soo socda iska xaadirin doonaan xafiiska Ra’iisalwasaare Abiye ee Addisabeba.  Ma cadda qaabka uu Abiye u waajihi doono xaaladaha ka taagan degaanada SSC ee ay abuureen Maamulada Garowe iyo Hargeysa, haseyeeshee waxaa la saadaalinyaa in labada masuul ee Soomaalida ah dib loogu yeedhin doono heshiiskii hore ee ay labada dhinac kala dhex dhigeen dawladaha Ethiopia [xilligii Melese Zenawi] iyo xubno ka kala tirsan IGAD iyo dawladaha reer galbeedku.

Heshiiska hore ee labada dhinac ee ku hirdamaya lahaanshaha dadka iyo dalka SSC ayaa u kala xariiqay inaanay labadooda ciidan isu soo dhaafin Tukaraq oo dhanka Puntland ku ekaado iyo degaanka Gambadhe   oo ciidanka Somaliland ku ekaado. Labadan goobood ayaa isu jira masaafo dhan labaataneeyo kiloomitir oo dhul ah.

Weerarkii bar-bilawga u noqday colaadda hadda taagan ee Ciidanka Somaliland ku qabsaday Tukaraq ayaa fagaarayaasha lagaga hadlo arrimaha Soomaalida ka noqday qodob si weyn loogu eedeeyo Maaamulka Somaliland.

Shirkii caalamiga ahaa ee “Somalia Partnership Forum” ee 17kii bishan July, 2018 lagu soo gunaanaday Brussels ayaa go’aanadii ka soo baxay qodobkooda 23aad [eeg qoraalka hoose] lagu faray labada dhinac, Puntland iyo Somaliland, inay xabadda joojiyaan ciidamadoodana ku celiyeen halkii ay fadhiyeen ka hor intaan colaadaha Tukaraq bilaabmin.

 


Fiiro Gaar ah:  Wixii xog, war, sawir, faallo, ama cabasho ah ee warkan ama wararka kale ee bartan ku saabsan fadlan noogu soo dir emailka: [email protected]

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin