*Qabaxda* Saxaafada Somaliland iyo Heerka ay Maanta Joogto:

0
905
Interview with businesswoman on press conference
  1. Dhaqanka Saxaafada Xorta’ah ee Somaliland(waaqica taagan) :

Saxaafada  xorta’ahi  waxay fure utahay horumarka bulshada iyo dhisida dhaqan suuban, waxay hagtaa hiigsiga horumarka  qaran dadleeyahay, waxay iftiimisaa god daloolooyinka dhaqaalaha, siyaasada iyo dhaqanka, iyadoo laga duulayo habdhaqanka iyo anshaxa xeerka saxaafada (Somaliland ).

Suxufinimadu waa mihnad aqooneed ku fadhida xirfad iyo waayo aragnimo cilmiga saxaafada huwan, sidaa darrteed  saxxaafadu waa seef labo afleh,  oo micnaheedu yahay, sida wanaaga bulsho loogu hormarinkaro silamida ayaa loogu bur-burin karaa oo lagu abuurikaraa xasilooni daro bulshada dhexdeeda, qabyaalada marka la barkiyo saxaafada waxay noqotaa cudur  xun oo salka ku haya aqoondaro iyo horumar la’aan.

Hadaba waxaa ayaandarada na haysataa tahay, saxaafada iyo suxufiga Somaliland ayaa ku dhaqma  waxayaabo badan oo xaaraan ku ah saxaafada, waana tan hoos ku qoran.

  • Saxaafadu, Wayay ka hadashaa waxay doonto iyo ciday doontosa ,khalad,sax ,run,been xun
  • Suxufigu, Wuxuu waydiinkaraa wuxuu doono, khalad sax,kutirikuteen,run,been,
  • Saxafada, Warkay tabinaysaa waa mid lacag lagu siinayo*Qabax* ujeedadau ma’aha    tayada  warku leeyahay ama uu sudo ee waa qiimaha *qabaxdu* intay la’egtahay.
  • Suxufiga,        Muhiimada wararkaan doonaa waa sidaan lacag*Qabax* kuhelilahaa, warba warka uu ka qabax badan yahay ayuu kamihiimsanyahay (warka madaxdiisa)(top news).
  • Saxaafada, Anagu  waxaanu nahay saxaafada xorta ah, xoriyad qawlka caalamka.
  • Suxufiga, hadii nala xidho xeerka dastuurka iyo dawladaba, waxaa tacadi wayn lagu sameeyay xoriyad qawlka saxaafada , oo  beesha caalamka ayaa noo doodaysa oo na ilaalisa,
  • Dawlada Somaliland. Dawlada soo maalilaan waxay hadalkii iyo gartii ku soo gabagabeysay *HADAANU   HADALNONA  WAA   AFSALAX KUDHAG,   HADAANU   AAMUSNANA  ADHIGA   SIDAA  LAGADEYNMAAYO* (dadka iyo Somaliland).

 Hadaba maxaa xal ah, waa inaanu meel uga soo wada jeesanaa xal u helida saxaafada dalkeena  oo khatar wayn ku haysa mustaqbalka dalka iyo dadkeena.

  1. Tayeeynta iyo horumarinta saxaafada.
  • Qabyo tirka xeerka saxaafada Somaliland:
  • Abuurida gudiga anshaxa saxaafada:
  • Tayeeynta iyo kobcinta aqoonta suxufiga iyo saxaafada:
  • Jaamacadaha muxaliga ah oo lagu daro kuliyada saxaafada :
  • In la sameeyo Machadka horumarinta iyo cilmi baadhista  saxaafada oo heer dawli ah

 

KAAMARAD NIN HAYSTA UUNBAA SUXUUFIYA WADANKEENA SOMALILAND, BUURDHAAB .COM xulashada buurdhaa,
 *KAAMARAD  NIN  HAYSTA UUNBAA SUXUUFIYA* Qaybteena kale waxaanu kaga hadli doonaa wada shaqaynta  saxaafada iyo dawlada oo aasaas uga dhigi doono wadaniyada , lasoco

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin