QADAR IYO SOMALIA: WAA IN LA JOOGTEEYO QARANIMADA LANA GAADHO DIB U HESHIISIIN QARAN

0
266

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Dawladda qadar, Sultan bin Saad al-Muraikhi,oo magaalada Brussels kaga qeyb galay shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya (International Partnership Forum on Somalia),ayaa ugu baaqay Beesha caalamka in la kordhiyo lana joogteeyo taageerada la siinayo Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale,Wasiirka Arrimaha dibadda Qadar,ayaa ka dalbaday Beesha caalamka iney ku soo biiraan dadaalka wadajirka ah ee lagu doonayo in xal loogu raadiyo dhibaatooyinka ka jira Soomaliya si loo joogteeyo Qaranimada loona gaadho dib u heshiisiin Qaran,wuxuuna qiray in Horumar dhinacyo badan ah laga gaadhay dhinacyada ammaanka,dhaqaalaha iyo waliba adeegyada asaasiga ah ee Bulshada u baahan yihiin.

Wuxuu sheegay Sultan bin Saad al-Muraikhi, in Dowladda Qadar balan qaadeyso inay Soomaaliya taageero buuxda ka siineyso dagaalka ka dhanka ah  Argagixisada,islamarkaana ay xoojineyso wada shaqeynta kala dhaxeyso Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Mr. Sultan bin Saad al-Muraikhi,ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo taageerada Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM si meesha looga saaro Al-shabab.

Wasiirka Arrimaha dibadda Qadar,ayaa cadeeyay in caqabadaha ay wajaheyso Soomaaliya ku koobneyn kaliya Ammaanka,dhaqaalaha,Arrimaha Bulshada,Hay’adaha iyo Amniga gudaha balse ay jiraan masiibooyin dabiici ah oo ay ugu horeyso Abaarta oo guud ahaan dalka saameysay.

Wuxuuna carabka ku adkeeyay in Qadar markasta u taagan tahay iney Dowladda ka taageerto arrimahaasi iyo goobaha kale ay saameynta ku yeelato,isagoona beesha caalamka ka dalbaday in si wadajir ah looga garab istaago Somaaliya,Nabad galyada,Horumarka iyo Xuquuqda aadanaha.

Magaalada Brussels waxaa maalin ka hor lagu soo gabagabeeyay shirka caalamiga ah ee diiradda lagu saarayay arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen madaxda Dowladda Federaalka,Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo waliba xubno matalayay Beesha caalamka,waxaana la iskula afgartay shirkaasi in la kordhiyo taageerada la siinayo Soomaaliya.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin