QARAXA BUUHOODLE, XUBNO SOMALILAND SI WEYN UGA SOO HORJEEDEY OO LA KHAARAJIYEY

0
358

Wararka hordhaca ah ee ka imanaya Buuhoodle ayaa tilmaamaya in qaraxii goor dhoweyd ka dhacay magaaladaasi lagu bartilmaameedsaday shakhsiyaad ka tirsanaa Khaatumo oo si weyn uga horjeedey Maamulka Somaliland.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo garabka Khaatumo ee diidanaa joogitaanka Somaliland ee degaanada SSC, haseyeeshee waxaa la soo weriyey inay ku qudhbaxeen goobtaasi Rag ay ka mid yihiin Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdifataax Maxamed Cali [Ina Rothman] iyo Axmed Maxamuud Doolaal. Labadan xubnood ayaa soo qabtay xilal ilaa heer Wasiir ah oo ay u qabteen Dawladda Federaalka iyo Maamulka Khaatumo.

Ma jiro CID sheegatay qaraxan, mana cadda qaabka loo fuliyey, balse warar hordhac ah ayaa tibaaxaya inay gaadhi saarnaayeen marxuumiinta shilkan ku geeriyootey.

Goob joogayaal ayaa  sheegay in Baabuurka uu horjrrgsadey qofka  qaraxa fuliyey kadibna baabuurku istaagey sidaasna uu isugu qarxiyey.

Sidoo kale, warar aan rasmi ahaan loo caddayn ayaa sheegaya in la helay madaxa ninkii qaraxa geystey kaasoo aan ilaa hadda la aqoonsan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO DOOLAAL OO LA HADLAYA SOMALILAND:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin