QORSHAHA MAGAALADA LAASCAANOOD: SEEFTA LABADA AF LEH

0
228

Waxaa bishii July ee sannadkan mar qudha, si ku soo booddo ah, magaalada Laascaanood looga istaadhay mashruuc lagu sheegay in lagu nidaaminayo magaalada Laascaanood.  Barnaamijkan oo loo bixiyey “Qorshaha Magaalada” [Town Master Plan] wuxuu dhab ahaan noqday mid dood culus ka dhex abuuray dadweynaha degmada. Wuxuu si togan iyo si tabanba [labadaba] u taabtay maagaalda iyo dadweynaha. Dhanka koowaad, waxaa si togan looga dareemay dariiqyadii iyo suqduudyadii cidhiidhiga ahaa ee magaalada oo neefsaday, dhanka kalena wuxuu si taban u hagardaameeyey dunta hoose ee nolol-maalmeedka iyo maceeshada ee dadweyne qaarkood una badan inta aan codkooda kor loo maqal ee degmadaasi Laascaanood ku nool.

Bilawgii, barnaamijka markii la hindisey, badiba dadka Laasku way soo dhoweeyeen, waxayna u muujiyeen masuuliyiintii hawsha u xil saarnayd taageero hiil iyo hooba ah. Waxay gaadhay ilaa xad ay dadweynaha Laascaanood iska ururiyeen lacag qadarkeeda lagu sheegay $20,000 [labaatan kun oo Doolar] oo ay ugu dhaqaale ahaan kaga qayb qaadanayeen fulinta mashruucan. Lacagtaasi waxaa lagu wareejiyey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland, Mudane Qambi, oo asal ahaan ka soo jeeda degaanada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle [SSB]. Haddaba, su’aashu waxay tahay “maxaa laga filayey mashruucani? Mase fuliyey wixii looga fadhiyey?”.

Marka la isku soo xooriyo jawaabaha ka soo baxaya dadweynaha ee ku saabsan natiijada barnaamijkan, waxaad is odhanaysaa wuxuu dhab ahaan noqday ‘seeftii labada af lahayd!!’. Waxaa kala fogaaday raadadka uu ku kula yeeshay “danta dhow ee dadka” iyo “duugga fog ee magaalada”.

 Sidii ay wax u dhaceen?

Aqlabiyadda xoogga leh ee dadweynuhu waxay isku raacsanyihiin in barnaamijka loo fuliyey si cadaalad ah oo aan nin jeclaysi iyo go’aan-jilayc [labac-labac] toonna lahayn.  Waxay qirayaan masuuliyiintii hawshan gacanta ku haysey, gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Mudane Qambi, inuu muujiyey xaqsoor iyo dhiiranaan aan beryahan madaxda degaanada SSB looga baran.  Waxaa si weyn la isugu raacsanyahay inaan barnaamijkaasi Qambi la’aantii Laascaanood ka hirgaleen tiiyoo aan dhiig lagu faraxalan. Bal fiir, Laascaanood waxaa u dhaqan ahayd haddii qof Kaaryoone meel ka qaad la yidhaahdo in isaga iyo jifadiisuba hubka soo gurtaan oo meyd iyo dhaawac la kala jiito!! Bal xaqiiqadaasi jirtey garab dhig wixii uu magaalada ka dhex qabtay wadaadkaasi.  Waxaa Kaatarbillar [cagafcagafta waaweyn] la mariyey dhismayaal, deyrar iyo sandaqado sanado dhisnaa oo la degenaa oo uu maray Khadka cas ee “qorshaha magaaladu”.  Bal fiiri, cidba kama fal celin!! Qof waliba intaan la soo gaadhin buu alaabtiisa ka sii urursaday!! Su’aasha halkan ku jirtaa waxay tahay ‘maxaa sababay?”.  Jawaabta kooban ee dadku ku siinayaan waxay tahay: waxaa loo arkay in aan eex, nin jeclaysi, kala mudnaysiin iyo cid-ku-duulis midna ka muuqanin qaabka Mudane Qambi ula dhaqmayey dadka magaalada ku wada nool.  Waxaan cidna [ama dad badani] ka murmaynin inuu sidaasi ku meelmaray barnaamij wax tar weye u leh bilicda iyo nefiska magaalada. Waa suura gal inay faa’iidooyin kalena ku jiraan, sida: amniga, fayodhawrka, iwm.  Haseyeeshe, waxaa soo ifbaxday dhaliil ay marar badan, dad badani, soo celceliyeen. Waxay dhaliishaasi ka soo tafiirmaysaa su’aalaha labada ah ee kala ah: (1) “Danta/nolosha maanta ee dadka iyo bilicda keebaa mudnaanta leh?”, iyo (2) “Maxaa loo sii diyaariyey qoysaska danyarta ah ee saldhigii noloshooda salka lagu rujiyey?”.

Maxaa loo sii diyaariyey dadkii “bilicdu” barakicisay? Bilicda iyo nolosha dadweynaha keebaa mudnaanta leh?

Jawaabta oo koobani waa “Waxba!”.  Bal qiyas ninka ama gabadha goobtii ay qoys dhan noloshooda si dirqi ah ugu deberi jirtey oo iyadoon meel kale loo guureyn subax qudha cagta la mariyey!! Dadkani waxay u badnaayeen dad qaabka ganacsigoodu yahay kan loo yaqaano “maalin dagaalka”.  Waxay soo shaqo tagaan, inta badan, iyagoo kutalogalkoodu yahay inay qoyskooda ku quudiyaan wixii arsaaq ay maalintaas ka dheefaan meheradahooda.

Dadka noocaas ah waa hubanti ruqaansiga khasabka ee bilicda magaaladu ku sanduleysey inay laf-jab ku tahay dunta hoose ee noloshooda.  Ma aha wax aynu ku sifayn karayno qoraal, waxaa dareenkooda fahmi kara qof goob joog u ah waayahooda. Waxay mudnaayeen in la tixgeliyo oo loo naxariisto.  Waa muwaadiniin xaq u leh in noloshooda laga horaysiiyo bilicda, sharciga iyo quruxda.   Xataa marka ay iska hor yimaadaan [is khilaafaan] sharciga iyo nolosha dadweynuhu waxaa mudnaanta leh nolosha dadweynaha.  Waajibaadka dawladda waxaa kow ka ah nolosha muwaadiniinta. Fal kasta oo ay xukuumadi fulinayso waa inay marka koowaad ka eegtaa raadka uu ku yeelanayo dadweynaha.  Waa in cawil-celin iyo daryeel ay helaan dadka uu raadka ku yeelanayo go’aanka xukuumaddu.  Xoolahaaba xero marka laga kaxaynayo, xero kale loo sii sahamiyaa.  Illeen xero-guulba waa arrin.  Dadku xoolo iyo alaab midna ma aha.  Waa mudanka koowaad ee makhluuqa Eebbe abuuray.  Inaan laba danaynin dadnimo iyo diin oggoli ma jirto.

Wixii dhacay dhace, hadda maxaa dan ah?

Waxaay jawaabtu ku koobantahay “caano daatayba, dabadood la qabay”.  Waa in dib loo diiwaangeliyo dadkii ay barakicisay qorshihii bilicdu [Master Plan], loona diyaariyo goobo ay ku ganacsdaan ama degaan.

Gebogebo:

Akhriste, adiga sidee arrintani kuula muuqataa? ama kuu saamaysay? Maxaad xog ka haysaa?  Maxaad sawir ama Video ka haysaa? Nala soo wadaag


F.G.: Haddii aad hayso war, ra’yi, cabasho, faallo ama  sawir ku saabsan ama si uun ula xidhiidha warkan ku soo dir [email protected]

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin