Qoysas Badan Oo Xoola Dhaqata Ah Ayaa Soo Degay Hareeraha Magaalada laascaanood kuwaas Oo Gudaha magaalada Nacfi Kala Soo Raad-shay Xoolahoodii Wixii U Hadhay Markaa ay Xaalufeen Deegaanadii Miyiga,

0
174

Xoolahan ayaa Waxay Cunaan Looga keenaan Gudaha magaalada Laascaanood  Sida Raashinka,
Galayda  Ayaa ah Waxa Ugu Wayn Ee Lasiiyo Xoolaha taasoo aysan Dadku
awoodin inay u Iibiyaan Xoolahooda Siiba Geelaha,

Maxamed Abdilaahi  Cali Wuxuu kamid yahay Dadka Xoolahooda keenay Gudaha laascaanood,
Wuxuu Sheegay inuu lahaa 60 Geel ah Kuna hayay Deegaanka
Caday-Buur Oo Waqooyi Bari ka xigta laascaanood 60km
Deegaankii Oo Xaalufay iyo Geelii oo aan Waayay Waxaan siiyo,

Arntaas ayuu Sheegay inay Ku reebtay Uur Kutaalo markii oo u adkaysan
waayay Geeliisii Oo Hortiisa Ugu Dhimanaya Gaajo,
Arintaasi ayuu Sheegay inay ku Dhalisaya Feker ah Siduu U Bad-baadin
lahaa Intii ka Hadhay Geeliisa Oo uu Sheegay in uu Aad u Jeclaa,
‘’Waxaan Keenay Guda laascaanood Markii aan Tala Gelyo ka helay Nin aan
Asxaab ahayn kaasoo Iisheegay haduu Geela  Geeyo Gudaha laascaanood,

Uu Helayo Ciidan Geelu markuu fadhiisto la Qaado oo kiciya Geela ayaa
haduu Fadhiisto U Baahan Ciidan Googan maadaamuu Culus yahay Miisaan
ahaan,

‘’Dadka Aan Qaraabada nahay ayaa ka helay Gacan Qabasho mid Ii Keena
Kiish Gelay ah, Mid Xoog Igu Caawiya,

Geelii Waxaan Ku Hooyaan magaalada Qarkeeda Waxaan siiyaa Raashin-ka
Hudheelada Cuntada kasoo hadha,

Ugu yaraan ilaa laba Hudheel Cunto Ayaan Galabtii Uga soo Qaadaan
Raashinka soo Hadha Ee Hambada ah  iyo Diirka Qudaarta,

‘’Waxaan Uga soo Buuxiyaa laba ilaa Saddex Jirikaan Oo 20 Litir qaad ah,
Waxaan siiyaa karaatoonta  Alaabada lagu keeno waxaan ka saaraan ama
ka jeexaan Wixii Bac ku Dhigan,

Waan u jar jaraan markii Hore Geela Way ku adkaatay inuu cuno
Karaatoonta laakiin hada wuu la Qabsaday Dukaamadaan Uga soo Guraa
Xitaa waxaa nagu adkaatay helis Toodii oo Dadkii ayaa Xoolihii u
gaysanaya,

Yassin maxamed maxamuud Waxaa uu kamid Yahay Dadka Soo Degay Duleedka
laascaanood Ee Xoolaha kusoo Xereeyay,

Wuxuuna ii Sheegay in Uu Geel 10 ah ku hayo kuwaas oo Uu Siiyo Gelay
ay ku Caawiyaan Dad Eheladiisa ah kuwaas oo Degan Gudaha laascaanood,

Abaartu Waxay Noo Saamaysay Siwayn Geelayagu Wuxuu ahaa ilaa 100 hadan
waxaa ka hadhay ilaa 10

‘’Waxaan Deganaa aaga Dalya oo U Dhow Kulaal Gobolka Sanaag,
Dayrtii Dhawayd Ayaan u soo hayaanay Dhanka Sool Xoolo Wanaasgan Ayaan
Wadanahay,

Xoolihii Jilaalo is Xig Xigay ayaa isu Raacay Daaq la,aan ayay
Xoolihii Nooga baxeen,

Xoolaha Waxaa Ugu Riiq Danbeeya Geela Geelii ayaa Dhamaaday hada oo 10
ka hadhay abaartu Muday nahaysay ilaa 3 Sano Waa ka Jirtay Gobolka
Sanaag,

Yaasiin Wuxuu Sheegay in  Weji Garasho lasyku siiyo hada Karaatoonta
Qaarna layska Iibiyo Markii ay badatahay Dadka Xoola siisanaya  Sidoo
kale Waxaa sidaas oo kala ah Raashinka kasoo hadha Hudheelada
Cuntooyinka kariya,

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin