Dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga, amiiro iyo madax sare oo kale oo ka tirsan Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa shalay si diiran ugu soo dhoweeyey magaalada Riyaad Mudane Khayre, Ra’iisalwasaaraha Federaalka iyo wefdi uu hogaaminayo.
Wefdiga oo diyaarad khaas ah oo Boqor Salmaan u soo diray kaga duulay Muqdisho ayaa la filayaa inay heshiisyo cusub oo horumarinta, ganacsiga iyo diblomaasiyadda ah wada saxiixdaan dawladda Sucuudiga.
HOOS KA DAAWO SOO DHOWEYNTII KHAYRE EE SUCUUDIGA: