SAAMIGA KURAASTA WAKIILADA EE GOBOLKA AWDAL OO LA KORDHINAYO, BIIXI OO KA DHAWAAJIYEY

0
84

Ergo ka kooban soddomeeyo xubnood oo isugu jira Salaadiin, Cuqaal iyo waxagaradka Gobolka Awdal oo dhowaan ka soo boqoolay Boorama ayaa maanta shir saacado socdey la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Ergadan oo ujeedada imaatinkeedu ahaa sidii Madaxweyne Biixi loogala hadli lahaa fulinta ballanqaadkiisii ku saabsanaa Saami qaybsiga Kuraasta Baarlamaanka ee Gobolka Awdal ayaa dood dheer kadib waxaa lagu heshiiyey inaan doorashada Golaha Wakiilada lagu geli doonin tiradii hore ee Gobolka Awdal oo ahayd 13 Xubnood, sida ya Saxaafadda u xaqiijiyeen Salaadiintii Gobolka Awdal ee hogaamineysey ergada.

Suldaan Saleebaan Cali oo ka mid ah salaadiinta ugu magaca dheer Gobolka Awdal ayaa hoosta ka xariiqay inay Madaxweyne Biixi isla qaateen inaan la geli doonin Doorasho haddii aan marka hore la dhammaystirin hawsha saami-qaybsiga, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa uu Madaxweynuhu [Biixi] naga balanqaaday inaan doorashada Golaha Wakiilada lagu galayn sidii hore oo laga wada hadlayo, wax laysla ogyahayna ay ku dhamaan doonto oo aan sidii hore lagu galayn.”

Dhanka kale, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo isna ka warbixyey kulanka ay la qaateen Madaxweynaha Somaliland ayaa Saxaafadda u sheegay “Maanta waxaanu shir la galnay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo ay weheliyaan Shirgudoonka Baarlamaanka iyo Wasiiradii Arimaha Gudaha, Debadda, Qorshaynta iyo Ganacsiga, hawsha aanu ka wada hadalayna waa arin la wada ogaa oo muddo dheer aad looga hadlayey oo imikana ay arimihiisu taaganyihiin Somaliland, kaas oo ah Saami qaybsigii kuraasta Golaha Wakiilada.”

Suldaanka, Samatar, ayaa si qeexan dibedda u soo dhigay go’aanka Dadweynaha Gobolka Awdal isagoo yidhi “Annagu mawqifkii aanu ka wadnay bulshadayada iyo dadka aanu matalno ayaanu sheegnay kaas oo ah inaan doorashada lagu galayn tirada maanta Golaha Baarlamaanka u fadhida Gobolka Awdal, waanan cadaynay oo Xukuumada ayaanu ka hor sheegnay, waxaanu u sheegnay in ilaa tiro rasmi ah oo saami qaybsi ah la helo mooyaane aan doorashada lagu galayn tiradaas maanta fadhida.”

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin