SAWIRO: Obama oo Booqday Magaalo lagu Xasuuqay 140, 000 qof xili dunida..

0
568

Barack Obama Madaxweynaha Mareykanka ayaa gaaray magaalada Hiroshima ee dalka Japan, waxa uuna noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay oo Mareykan ah oo booqda.

Madaxweyne Obama ayaa ubax dhigi doono goob loo asteeyay in lagu xasuusto 140, 000 oo qof oo u dhintay sababo la xiriira duqeyntaasi Mareykanka ee sanadkii 1945.

Dad kale oo tiro ahaan gaaraya 70, 000 ayaa lagu dilay duqeyn kale oo hubka niyuukleerka loo adeegsaday oo saddex maalmood kaddib lagu qaaday magaalada Nagasaki.

Madaxweyne Obama wax raali gelin ah kama bixin doona duqeymahaasi basle waxa uu horey u sheegay in uu rajeynayo in xusuusta duqeymahaasi ay dunida ka caawin doonto in mustaqbalka la yareeyo dagaal la isu adeegsada hubka Niyuukleerka.





 

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin