SHIRKA DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO SOMALILAND: BILAW AAN LA SHAACIN

0
472
Shirka Turkiga April, 2016

NATIIJADU  MA TII HORE BAA?  –  “RUN HA SHEEGIN, BEEN HA SHEEGIN, WAXAAD SHEEGTONA HA WAAYIN”

Wafti ka socda Somaliland kana  kooban labada xubnood ee kala ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, Mudane Sacad,  iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Mudane M. Xaashi, ayaa dhowaan gaadhey dalka Turkey. Ujeedada safarka wefdiga si muuqata looma soo bandhigin  waxaase dadka Siyaasadda gobolka indha-indheeyaa ku tilmaameen inay tahay sii ambaqaadidda dib-u-soonoolaynta wada hadaladii u dhexeeyey Dawladda Federaalka Soomaaliya  iyo Somaliland.

Warar laga helayo ilo ku dhowdhow madaxda labada dhinac ayaa bidhaaminaya in dhanka Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka yimaadeen wefdi ka kooban shan (5) xubnood oo uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa, ayna ka mid yihiin Safiirka Somalia ee Turkey, la-taliye Madaxweyne. Waxaa kale oo wefdiga Federaalka ka mid ah Yuusuf Garaad oo hore u ahaan jirey weriye.

Shirka Turkiga April, 2016
Shirka Turkiga April, 2016

 

Dhanka Somaliland waxaa warar aan la xaqiijin tibaaxeen in wefdiga ku sugan Istanbul ay ka midyihiin Dr. Bulxan iyo Dr. Nine oo aan labadooda midkoodna ka tirsanayn dadka saaxaadda Siyaasadda looga bartay balse la bidayo aqoon durugsan iyo khibrad ay u leeyihiin doodaha noocan ah.

Waxaa cad in qaabka hadda loo agaasimay shirkani si weyn uga duwanyahay kuwii hore, isla markaana shakhsiyaadka kaqaybgalayna ku cusub yihiin hawshan sidaas darteed  waxaa la saadaalinayaa in natiijada ka soo bixi doontaa ka duwanaan doonto kuwii hore looga bartay shirarkii ka horeeyey oo ku dhisnaan jirey “run ha sheegin, been ha sheegin, waxaad sheegtona ha waayin”.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin