Si Ay U Hantido Dekeda Berbera Ayey Itoobiya Inoo Soo Dhex Maraysaa DP World.Siyaasi Cali Kubad

0
257

Hargeysa (laascaanood):  Dalka Itoobiya Waa Qaran Guun Ah Oo Taariikh Fog, Oo Boqortooyadii Aksuum (Axum Empire) Ku Abtirsada. Qaarada Afrika Waxa Xabashida Taariikh Ahaan U Babac Dhigi Kara Oo La Fac Ah Dalka Masar; Sidaas Darteed Labadaas Dalba Waxay Leeyihiin Ilbaxnimo Khatar Ah Oo Markay Fursad Kuu Helaan; Waxay Adigoo Aan Iska Dhaadeyn Kaaga Adkaan Karaan Iyagoo Adeegsanaya Gacanta Shan-Iyo-Tobnaad Oo Aan Toodii Ahayn. Waxa Tusaale Innoogaga Filin Sidii Maareeyahii Hore Loo Bedeley. Markii Ugu Horeysey Ee DP World Ay Weftiga Somaliland La Kulantay Waxa Shirka Ku Weheliyey Wefti Kale Oo Uu Hogaaminayey Wasiir Ka Mid Ah Wasiirada Ugu Tunka Waaweyn Dawlada Itoobiya. Itoobiya Iyadoo Caawinaysa DP World, Bay Shirkaas Ka Hor Ay Dawlada Somaliya Uga Soo Dhamaysay, Inaanay Dawlada Somaliya Ka Hor Imanin, Heshiiska Ka Dhex Dhici Doona Somaliland Iyo DP World. Waxay DP World-Na Ay Ugu Balan Qaaday Itoobiya In Markuu Heshiisku Hirgalo, Ay Dawlada Itoobiya Oo Soo Iibsatey Labaataneeyo Markab Oo Kuwa Dagaalka Iyo Ganacsigaba Ahi (Battleships And Mercantileships) Ay Heli Doonto Fursad Ay Ku Istimaasho Badda Cas. Waxay Judhiiba Sida La Yidhi, Ay Weftigii Uu Wasiirka Itoobiya Watey Ay Fahmeen Inuu Maareeyihii Hore Ee Dekadu Yahay Qofka Keli Ah Ee Aqoon Dekadood Leh Ee Ku Dhex Jira Weftigii Somaliland, Ee Carqalada Ku Noqon Kara Wada Hadalka Heshiiska. Sidaas Darteed Dawlada Itoobiya Oo Uu Marar Hore Madaxweyne Siilaanyo Ka Diidey Codsi Ay Ku Yidhaahdeen Wasiiradaada Qaar Ka Mid Ah Caydhi (Waayo Bay Yidhaahdeen Waxay Yihiin Xag-Jir Gacan Saar La Leh Cadowga Itoobiya Sida Ururada Argagixisada Ee Somaliya Kula Dagaalama Itoobiyaanka) Ayaa Iminka Iyadoon Madaxweyne Siilaanyo Waxba Si Toos U Weydiinin, Adeegsatey Dad Kale Oo Aan Awood Distoori Ah Lahayn Balse Awood Siyaasadeed Leh, Oo Dabadeed Cali Xoorxoor Daaqada Ka Saartay.

 

Waxa Is Weydiin Leh Maxay Dusheena Ku Kala Iibsanayaan Itoobiya Iyo DP World? DP World Waxay Dooneysaa Inay Itoobiya Heshiisyo Ganacsi Oo Baaxad Weyn La Gasho. Ta Labaad, Waxay DP World Ka Baqaysaa In Xukuumadaha Ka Danbayn Doona Xukuumadan Siilaanyo Ay Jebin Karaan Heshiiskan (Sidii Ay Xukuumada Siilaanyoba Ay Heshiiskii Total Uga Baxday) Oo Weliba Hadaynu Ictiraaf Helno Aynu Heshiiskan Si Sahlan Uga Bixi Karno. Markaas DP World Waxay Dooneysaa In Markuu Heshiisku Soo Afjarmo, Inay Saami-Qaybsiga La Wareejin Karayo(Transferable Shares) Ay Qayb Ka Mid Ah Ka Iibiyaan Xukuumada Itoobiya, Oo Haddii Ay Taasi Dhacdo, Oo Ay Itoobiya Dekada Berbera Wax Ku Yeelato, Way Ku Adkaan Doontaa In Xukuumadaha Ka Dabeeya Xukumadan Siilaanyo Ay Si Fudud Uga Baxaan Heshiiskan, Waayo Dee Itoobiya Ayaa Ciidamadeeda Soo Gelin Karta Berbera Iyo Somalilandba. Hadaba DP World Waxay Itoobiya Wax U Siinaysaa Inay U Noqoto Difaacii Heshiiskan Ilaalin Lahaa 30 Ama 40-Ka Sanadood Ee Soo Socda; Itoobiyana Waxay Berberi U Noqon Doontaa Bogcad Ay Maraakiibtaas Dagaalka Iyo Ganacsiga Ee Ay Soo Iibsatey Ku Istimaasho, Oo Ay Isla Markaas Waxay Itoobiya Kala Soo Degto Berbera Ay Ku Soo Degaan Qiimo Jaban Ilayn Dekadii Bay Wax Ku Leedahaye. Ta Kale, Haddii Ay Hub Kala Soo Degtana Waxa Somaliland Noqon Kartaa Meel Ay Nabad Gelyo Xumo Ka Abuuri Karaan Dadyowga Ay Itoobiya Is Hayaan. Hadal Iyo Murti, DP World Iyo Itoobiya Wax Bay Is Dhaafsanayaan (Quid-Pro-Quo). Waxa Kale Oo Heshiiska Ku Jira Inaan Dekado Kale Sida Seylac,Maydh, Iyo Xiis Iwm La Samayn Karin, Oo Inta Heshiiskaasi Jiro Dekad Aan Ta Berbera Ahayna La Isticmaali Karin. Haddii Xukuumadaha Danbe Ee Somaliland Ay Isku Dayaan Inay Dekad Kale Sameeyaan, Waxa Iyana Dhici Doonta In Taangiyada (Tanks) Iyo Ciidamada Itoobiya La Soo Gelin Karo Meeshii Wax Laga Dhaqdhaqaajiyoba, Ilayn Heshiiska Dekada Berbera Bay Wax Ku Leeyihiine.

 

Itoobiya Way Heli Kartaa Waxay Weligeed Rabtey, Waxaanay Inoo Soo Maraysaa Gacan Kale Oo Saddexaad. Madaxweyne Dahir Rayaale Waqtiga Ayaa U Saamixi Waayeye, Ee Waxay Itoobiya Ku Dhoweyd Inay Ka Dhamaysto Ogolaansho Ay Dekad Kaga Dhistaan Magaalada Seylac, Oo Ilaa Waqtigaas Maraakiib Bay Itoobiya Soo Iibsaneysey, Laakiin Dee Maanta Waa Taas Fursada Ka Heli Rabta DP World, Ee Saami Qaybsiga Ka Iibsan Rabta, Ee Dekad Qiimo Weyn Leh Ay Wax Yari Uga Hadhsan Tahay. Kaaga Darrane, Haddii Ay DP World Saamiyada Qaar Ay Ka Iibiso Itoobiya, Somaliland Iyadoo Meelo Badan Wax Ka Eegaysa Way Ka Xishoon Doontaa Inay Arrinkaas Is Hortaagto,Oo Hadda Ogaadoo Xishoodkuna Waa Qayb Ka Mid Baqdinta. Somaliland Maaha Inay Noqoto Sidii Dalka Libnaan Ee Ay Israa’iil Markay Doontaba Iska Soo Geli Jirtey. Somaliland Waxay Xaduud La Leedahay Djibouti, Somaliya, Iyo Itoobiya, Oo Labada Hore Midna Culeys Colaadeed Ugama Werwer Qabno; Markaas Saaxiibnimo Iyo Derisnimo Wacan Mooyee Somaliland Ugama Baahna Itoobiya Gaashaan Buureysi Kale Siduu Doonaba Ha Noqdee. Haddii Heshiis Ganacsi Laga Maarmi Waayo, Waa Inay Si Toos Ah U Wada Galaan Itoobiya Iyo Somaliland, Oo Aanay Itoobiya Daaqad Kale Innooga Soo Dhicin. Waxa Haboon Inuu Madaxweyne Siilaanyo Innaga Hubsado Saxeexa Uga Danbeeya Ee Uu Heshiiskan Ku Duugi Doono Isaga Ama Mid Ka Mid Ah Wasiiradiisu, Waayo Haddii La Hoos Tahriibiyo Qodobo Aanay Faa’iido Ugu Jirin Somaliland (Gaar Ahaan Qodobka Inaan Dekad Kale La Isticmaali Karin Iyo Qodobka Cidii Saamiga Iibsan Karta) Waxuu Ka Qaadi Doonaa Ceeb Iyo Magac Xumo Aanu U Qalmin, Oo Ay Dad Kale Usoo Jiideen. Doqoniimo Ka Weyni Ma Jirto In Heshiiskii Qabyada Ahaa, Ee Golaha Wakiilada Sidii Foosha Xumayd Loo Soo Mariyey, In Hadana Dhexda Wax Kale Oo Aanay Reer Somaliland Ka War Qabin Lagu Sii Badhxo, Iyadoo Ay Dadkan Wax Badhxayaa U Fekerayaan ‘Mar Haddii Uu Heshiisku Soo Dhaafay Golihii Wakiilada, Waxaynu Doonaba Aynu Ku Sii Darsano Si Aynu Dheef Uga Helno ‘. Ilaahay Madaxweynaha Ha U Gargaaro, Oo Xilka Haku Asturo Mudada Yar Ee U Hadhay.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin