SIYAASI CABDI QUUQ OO KU DHAWAAQAY INUU U SHARAXAN YAHAY XISBIGA UDUB OO UU DHOWAAN GUDOOMIYE KA NOQDAY SOORAAN

0
244

RIYADH(LAASCAANOOD)Cabdi Salaan Cumar Geelle Oo Kumagacdheer Cabdi Quuq Oo Lasoo xidhiidhay Shebekada Wararka Laascaanood Ayaa Sheegay inuu u Sharaxan Yahay Madaxweyne Xigeenka Xisbiga Udub oo uu dhowaan ku Dhawaaqay Jilaaga Caanka ah ee Soomaaliyeed Ibraahin Sucugle Sooraan

Cabdi Salaan Cumar Geelle Oo Kumagacdheer Cabdi Quuq Waxaa uu ka mid yahay Qurbajoogta ku dhaqan Dalka Sucuudiga isla markaana Kasoo Jeeda gobolka Selel ee Galbeedka Somaliland ayaa Tilmaamay in booskaasi ku xigeenka uu ku Haysto Jawaan balse ay Wada Xaajood ku dhamaysan Doonaan

Cabdi Salaan Cumar Geelle Oo Kumagacdheer Cabdi Quuq Waxaa uu Taageero ka dalbaday dhamaan xubnaha Xisbigaasi  waxaana uu yidhi sidatan

Cabdi Salaan Cumar Geelle Oo Kumagacdheer Cabdi Quuq
Cabdi Salaan Cumar Geelle Oo Kumagacdheer Cabdi Quuq

“ Bismilaahi Raxmaani Raxiim  Ilaaahow Riyo Nooga Dhig Oo Aanay Rumoobin Malaha Waabanu Ku Guulaysan Oo Aniga Iyo Sooraan Kulmiyaabanu Latartami Ileen Waakuwan Labadii Xisbi Qaran Eekale Muranka Iyo Maxkamada Kadhamaan Waaye ..

.Waxaan anigu ahay  Siyaasi hore  Oo Reer Hargaysa Ah  Kanasoo Jeeda Gobalka Selel Waxaana aan Leeyahay oo warbaahinta u sheegayaa  inaan Utaagnahay Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Udub Inaan Noqdo Ee Dhawaan Loo Doortay Gudoomiye Sooraan Markaa Nin Qudha Oo Jawaan Layidhaa Ayunbaa Igu Haystoo Kaana 100 Doolar Ama50 Baan Iskaga Dhiibiyoo   De Waaban Ahay Gudoomiye Ku Xigeen Kiii Kaala Saari lahaa Waaka Qabiilbaa Kalageeyee Waakan “

Ugu danbayn waxaan ka codsanayaa Dhamaanba Taageerayaasha iyo Xubnaha ka tirsan xisbigaasi inay I taageeraan Waxyaabo badan baan qaban doonaa oo dalka anfaca idinkana aad wax ka heshaan xoolana idinka soo gala, waxaanan hada ugu baaqayaa in laga qayb qaato gurmadka abaaraha ee gobolada Bariga Somaliland ka taagan

 

 

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin