Soolarka Ayaa Nolol ahaan Iyo Iska War-qaba Wax wayn ka Bedelay Nolosha Dadka Reer Miyiga ah Deegaano Ku Yaal Sool

0
401

Soolarka Oo ah Koronto Dhaliye ka Tamar Qaata Cadceedda  Dadku Waxay Dhibaato Ku Qabeen Helista Koronto    Ay ku Jaaj Garaystaan
Moobilada Iyo Tooshanka La jaaj Gareejo,

Cabdi  maxamuud   Cali Aflaawe ,Cabdi Soolar ,Waxaa uu Degan-yahay
Magaaladda Adhicadeeye 32km Waqooyi ka Xigta laascaanood,

Abdi Soolar Waxaa uu Saddex sano Ka Hor Deegaan-kaasi ka Bilaabay
Adeegsiga Soolarka Oo aan Horay looga Isticmaali-jirin Halkaasi,

Baahi Dhanka Korontada ah Oo Deegaankaasi Markaasi Kajirtay Wuxuuna Sheegay in Uu Horumar ka Gaadhay Kuna Najaxay,
Dhaqaalaha uu ka helay kaga Baxay Sabool-Nimadi  Dadka Reer Miyiga ahna uu Soolarku Is-Bedel Wanaag u Horseeday

Nolol Ahaan Markii Uu Daboolay Baahi-wayn oo ay u Qabeen Korontada
Soolarka Waxaa kasoo iibsaday Boosaaso Sanadkii 2013 Bishii Tobnaad
Waxaana layga Soo Siiyay 500 Dollar Waxaan Keenay Adhi-cadeeye Meel
Bal-Bala ah Ayaan Dhigtay,

Maalintii Waxaa ka Faa,iidi Jiray ilaa 280 Kun Oo Shilin Oo U Dhiganta ilaa 11 Dollar      Bishii Isku Cel Celis ahaan waxaan Ka Heli jiray ilaa 300 Oo Dollar Muddo Sanad Iyo Badh ah Ayaan Waday,

Waxaana Ka Helay Lacag Dhan 4500 Oo Dollar Taasoo aan Ka Dhistay Bakhaar Alaabaad Lagu Iibiyo      Sanad kadibna Waxaa ka Iibsaday Lacagtii Sollarka Baabuur Afar Lugood-le ah Kaasoo layga Siiyay 2200 Oo Dollar Ka Ganacsigii Sollarka Waxaan o Dhan karaa Waan ka Faa,iiday Dadkana Waan Ugu Faa,iideeyay

Solarku Wuxuuna ii Qabtaa wax-badan mobilkay-gaan ku jaaj Garaystaan Ooaanan Awal uheli jirin Dab,

Waxaan ugu jaaj Gareeyaa Dadka Abaartu Hayso Kuwaas Oo Aan Awoodin inay Badi iska Bixiyaan Wakhti Xaadirkan Lacag-ta Lagu Dabeeyo Mobilka,
Siday ula xidhiidhi lahaayee eheladooda ama Dhex-dooda isagana  war Qabi-lahaayeen     Dadka Qaar Waxaan ka Qaadaa lacag ilaa 4 kun oo shilin Somali ah
Qiyaastii maantii 70 moobil ilaa 100 Ayaa lay keenaa,

Aad Buu Muhiim Ugu yahay Nolosha Dadka Reer miyiga ah ee aan heli
Karin Korontada   Dhib ayay Dadka Reer Miyiga ah iyo anagaba Oo aan Haysan Matooro Koronto  Maalintii

Waxaana Motoorka Magaaladda la Daari Jiray 3 Sano ka Hor iyo Hadaba Habayn-kii Nolosha wax wayn ayay ka bedeshay Markii aanu helnay Sollarka  lacag-taan ku Isticcmaal-naa Zaadka

Wuxuuna kusoo Kor Dhiyay wax wayn Nolosha Dadka Reer
Miyiga ah Soolarka ayaa ah ka awood Qaate Ileyska Qoraxda Bixin Karana Awood Koronto  Oo looga maarmi karo Tamarta Koronto Ee laga Helo Matoorada Shidaalka ku Shaqeeya

Waxaa Dhaqaale ahaan ka faa,iiday Dad badan oo Sida Abdi Qaadir maxamuud Aflaawe Cabdi SoolarWuxuu intaasi ku Daray inuu isticmaalkii Soolarka uu xitaa cilada saaro oo uu Qofkii uu ka Xumaado U Hagaajiyo si bilaash Ah   Isticmaalka Soolarka Ee Dadka Reer Miyiga ah ayaa Soo Xoogaysanayay
Sanadkii Ugu danbeeyay,

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin