Sucudiga Oo Doonaya 10,000 Oo Haween Somali Ah

0
358

 

Hadaba Sucuudiga Muxuu Kufalayaa Maatidan Aanay Diintu Ogalayn In  Ay Socdaan Muxrim La,Aan.

Tani Waxay Ku tusaysa(Contra-dication)Uu Sucudigu Kusameeyay Diinta Islamka Isaga Oo Isku tilmaama Wadan Kudhaqma Diinta Islaamka,Marka Uu yidhi Dumarka Suucidigu Ma Kaxayn karaan Gaadhi ,Ma socon karaan Muxrim la,Aan Muxuu Wadan ay Walaalo Yihiin Uu Uga dalbanayaa Wax Aanu Isagu Yeelayn Maxayse Madaxda Soomalidu U noqotay Qaar Hablahooda Ufataalaya,Oo Waraabaha Siinaya.

Tacadiga Sucuudigu Kula kaco Hablaha Ajanibka ah

Hablaha Ka Shaqeeya Sucuudiga Waxay Kala kulmaan Tacadi Xaga Jinsiga Ah Taas Oo Ay Ku sameeyaan Ninmanka Sucuudiyaanka Ah Taas Oo Aanu Sucuudigu Ku Fulin Xadka Sinada Oo Ah Hadu Ninka Sinaystay Muxsin yahay(Xaas Leeyahay Ama Soomaray).

Sucuudigu Waxay U haystaan Hablaha Afrikanka Ah in Ay Yihiin Adoomo Marka Waxay Doonan In Ay Ku raaxaystaan Marka Xaaskoodu Ka bukto.

Cadaymo:

Bari Dhawayd Uun Bay Ahayd Markuu Nin Sucuudiyi Jaariyad u Dhalatay Wadanka Muslimka ah ee Indonisia Ah ku dhex kufsaday Kijaday Wax Ugu Karinaysay Oo Uu waliba Si ka baxsan Bini’aadantinimada Wejiga U saaray Shooladi Ay Wax ku karinaysay Taasi oo keentay in Wejigeedi Masaxmay

Subxaanalaah Tani Waxay Ka Cadhaysiisay Dawlada Wadanka Muslimka ah ee Indonisia Iyada Oo Ku Han Jabtay In Nin Kaa Maxkamad La soo taago Taasi Oo Uu Sucudiguna Diiday Bedelkeedana Yiri Magdhaw Malaayin Dolar Ah Ayaan Siinaya Dhibanaha Iyo Dawlada Indoonisa,Ufiirso Arinka Wuxuu Uyeelay Si Xadka Uu Uga badbaado Muwaadinkoodu.

Ethiopia Iyo Pakistan Ayaa Ku Dhawaaqay In Aanay Haween Danbe Ka tagi doonin Sucuudiga Iyaga Oo Ku Eedeeyay An Sucuudigu Ku xadgudbay Haweenka Xuquuqdoodi Jinsinimo.

Hadaba Waxan Ku soo gunaanadayaa Arinkan Somaliyay Maxaad Cawradina Uraraysan Ee Aad Uga Ogalaanaysan Ka ganacsigan Adoonsiga Ah Ee Waliba Dumarkiini La rarayo Maxaad Ka masuul tihiin, Maxad Ilaashataan, Waxad Idinkoo Xoolo Dhaqato Reer Guuraya Diideen Maad Yeelaysan Idinkoo Xadaaraad Aqoon, Waayo Aragnimo Leh,

,Arinkan Maxay Culuumadu Uga Hadli Waydo Mise Waxay Aaminsanyiin Waxa Suucudi Sameeyo Waa Muqadas Haduudono Shaygasi Ha Khilaafsanaado Shareecada.

Allah Mahdleh

Axmed Nagiib (Taani)

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin