TALIYIHII CIIDAMADA LIIBIYA OO XAALADDIISA LAGA DAYRIYEY

0
223

Jean-Yves Le Drian, Wasiirka Arimaha Dibedda ee Faransiiska [France] ayaa xaqiijiyay in cisbitaal ku yaal Magaalada Paris ee caasimada dalkaasi lagu daaweynayo Janaraal  Khalifa Haftar oo ah Taliyaha Ciidamada Dawladda ee Bariga Dalka Liibiya.

Cisbitaalka lagu daweeyay ayaa la sheegay in ay isticmaalaan milateriga dalkaasi Waxaana Lagu Magacaaba Val-de-Grâce.

Lama sheegin xanuunka uu u jiifo Janaraalkan 75 sano Jirka ahi iyadoo afhayeen u hadlay sargaalkaan uu beeniyay warar soo baxayay oo ahaa inuu la ildaran yahay xanuunada wadna xanuunka iyo gariirka [Stroke] xilli uu ka soo hortmuuqday Al-Nabaa TV.

Dhanka Kale diblomaasiyiin u dhashay Midowga Yurub oo aan magacooda aa baahin ayaa arbacadii sheegay in sarkaalkan u Dhashay liibiya uu ku dhacay cudur dhanka maskaxda ah kaasi oo keeni kara in uusan u sii shaqeyn sidii hore.

Liibiya ayaa tan iyo sanadii 2011 waxaa ka jirey qalalaase siyaasadeed kadib markii talada dalkaasi laga tuuray Madaxweynihii hore ee dalkaasi Cornel Mucammar Al Qadafi.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin