“WAA LOO SOO HALGAMAY” – SULDAAN BEESHA ISAAQ AH OO XILDHIBAAN SIRAADLE U JAWAABAY

0
217

“BARI DALKU KHASAARUU KU QABAA”

Suldaan Cali Suldaan Maxamed oo ka tirsan Salaadiinta beesha Isaaq  oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa si weyn uga dareen celiyey hadal uu toddobaadkii hore Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi [Siraadle] ka jeediyey Golaha Baarlamaanka Somaliland.

Suldaan Cali ayaa muujiyey sida uu uga cadhooday hadaladii Xildhibaan Siraadle ee ku saabsanaa in haddii aan la heshiin aan Somaliland heli doonin ictiraaf iyo dood uu xildhibaanku ku tilmaamay in laga baxay heshiiskii Khaatumo sidoo kalena aanay dadkiisu raali ku ahayn Dastuurka hadda ka jira Somaliland.

“Halgankaanu u soo galnay baa lagu qoray [Distoorka]….Bariis bisil baanu idin nidhi kaalaya wax ka cuna, idina mar walba waxbaa naga maqan baad leedihiin” ayuu sheegay Suldaanku.

Isagoo Suldaanku ka hadlaya hantida Somaliland ee, sida uu isagu qabo, xaq darrada loogu miiso beesha Dhulbahante wuxuu yidhi “Lacagtii Somaliland, Anigu Berberaan ka soo jeedaa, intaasoo sano ayaan bukey, kiniin baan iminka ku hadlayaa, [lacagtii Somaliland] een dhakhtar ka tegi waayaa habeen walba halkaa marta” wuxuuna ku soo gunaanaday “Waar 28kaa sanadood Bari…dalku waxaan qabaa inuu khasaare ku qabo”.

Suldaanku wuxuu xildhibaanka ugu faanay in arrimahan uu ka cabanayo yihiin kuwo loo soo halgamay oo dad iyo duunyo loo huray.

HALKANI HOOSE KA DAAWO JAWAABTA SULDAANKA:

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin