Waalidiin Reer laascaanood ah Oo Ka War-bixiyay Sidii Caruurtooda loogu laayay Yaman Sheegayna Arin Murugo Leh

0
329

17 Bishan March Ayay Ahay Markii 42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah Lagu  dilay markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca  Ahi weerartay Doon ay saarnaayeen xeebaha Dalka Yemen.

Waalidiinta Dadkii Ku Dhintay Dhac-dadaasi Oo Reer laascaanood U Badnaa Ayaa La Hadlay War-baahin Waalidiintan Caruurtoodu ku Dhimatay Duqayntaasi Waxaa kamid ah Hooyo Sahra  Cismaan Canshuur Oo Ah Mar-xuumad  Xafsa Cumar Yagoori Hooyadeed Waxay Sahra Sheegtay in 10/2/20017 Subax Nimo Jimce ah Ay Wayday Xafsa isla Dhamaankii Bishii Labaad-na  Daba Yaaqadeedii kala Soo Hadashay Dalka Yemen,

Hooyo Sahra Waxay Sheegay in Geerida Gabadheeda Xafsa lagu soo War Geliyay maalini madii Jimcihii ayna la tiiraan yaysan tahay Falkii Naxariis Daradahaa Ee Dadkaasi lagu laayay Gabadheedu Ku Jirtay

”Waxay ahayd GabaDhay-du Ilahay How Naxariisteen Qof Baariyad Ah Qof Kasta Oo Yaqaanay  Qirayo Wanaa-geeda Ilahay Waxaan Ugu Baryayaa inuu U Naxariisto,

Dadkii Falkaasi Gaystay Waxaan Codsanay-naa in Lala Xisaab Tamo Oo aanu Helno Caruur Tayada Xaqoodii Waxaa lagu Dilay Gar-darro,

Aabe Mahad Cawed Jaamac Waa Marxuun Deeq Mahad Aabihiis Wuxuuna Sheegay in Ceerida Wiilkiisa Ay Si Gaar ah U Taabatay,

”Waxaan Dhalay Toboda Wiil Waxaa u Yaraa Wiilkaas Ku Dhintay Duqayntii Doonida Loogays-tay,

6 Dii kale sida Marxuun Deeq Oo Kale ayay Ugu Baxeen Gacan Ka Xaq Daran Horaana Loo Dilay Todobaatan Sana Jir,

Ayaan ahay Waxaan la Dhibtoonayaa Dhibaatadaa igaadhay Wiil kaygu Wuxuu ahaa Arday

Waxaa iga Ka xaystay Dad Laygu Sheegay Tahriibiyayaal Oo ah Dad Naxariis laa Wayaal ah

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo, islamarkaana Mareykanka uu taageero ayaa duqeymo ka fulinayey dalka Yemen tan iyo sanadii 2015, ayaga oo isku dayaya inay magaalada Sanca ka bixiyaan gacan ku haynta Xuutiyiinta.

Si kastaba mucaaradka shiicada ayaa weli gacanta ku haya Sanca iyo inta badan waqooyiga Yemen. Illaa iyo iminka dagaalka Yemen ayaa waxaa ku Dhintay  Dad Qiyaastii toban kun oo shacab ah.

 

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin