WASIIRKII CAAFIMAADKA SOOMAALIYA OO LOO QAADAY DHAKHTAR DIBADEED

0
256

Moqdisho (LAASCAANOOD):- Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xaaji Cabdinuur (Madeer) ayaa sheegay in dalka dibadiisa loo qaaday dadka dhaawacyadooda halista yihiin ee ku waxyeeloobay qaraxii cuslaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

madeer

Wasiirka ayaa bogaadiyay howsha dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo dadaalka ay u galeen bad baadinta dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxii shalay.

“Dadka dhaawacyada halista ah ee dalka gudihiisa waxba looga qaban karin waxaa isku dayaynaa in dalka dibadiisa loo qaado, wixii awooda dowladda ahna ee gargaarka dadkaas ma hagran doono”ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in si deg deg ah dadka dhaawacyadooda halista yihiin dalka dibadiisa loogu qaadi doono.

Qaraxii xoogganaa ee shalay ka dhacay banaanka Hotelka SYL ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 30-ruux, halka tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen, waxaana uu ka mid ahaa qaraxyadii ugu xooganaa ee soo mara Muqdisho

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin