WUFUUD GUDOOMIYE BAASHE HORKACAYO OO DIIWAANGELINTA SOOL FURAYSA

0
302
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax (Cadde) iyo horin siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle (SSB) ayaa u ambabaxay Degmada Laascaanood si ay wadajir uga gayb galaan Furitaanka Diiwaangelinta Codbixiyaha ee degaamadaasi oo la filayo maalinta Berri oo Khamiis ah in lagu qabto magaalada Laascaanood.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, Gudoomiye Kuxigeenka 3aad ee Xisbiga KULMIYE, Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan, iyo saraakiil Axsaabta mucaaradka ah iyo  xukuumadaba ka soda ayaa ka mid ah wufuudda uu hogaaminayo Mudane Baashe Maxamed Faarax.
Siyaasiyiinta degaanadaasi ee haatan ku sii jeeda Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa si gaar ah uga dhex muuqda laba siyaasi oo caan ku ah degaanadaasi horena xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo uga soo qabtay xilal wasiirnimo balse haatan ka mid ah murashixiinta ugu tugtugta roon xubnaha u taagan doorashada soo socota ee Golaha Wakiilada, gaar ahaana degaanada SSB.
Mudane Cabdirisaaq Cataash, ahna hadda Ganacsade qunyar socod ah, horena u noqday Wasiirkii u horeeyey ee Wasaaradda Isgaadhsiinta Xukuumaddii Siilaanyo ayaa hadda ah xubin si weyn loo saadaalinayo inuu ka mid noqon doono xildhibaanada ku soo bixi donna tartanka doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ee foodda inagu soo haya.  Warar aan ka soo xiganay ilo ku dhowdhow murashaxa ayaa tibaaxaya inuu Mudane Cataash ka sharaxanyahay Xisbiga KULMIYE oo uu markii horena ka mid ahaa xukuumaddiisii koowaad.
Dhanka kale, Mudane Cabdirisaaq Khaliif oo hore u soo noqday Wasiir xilligii xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka mid ah xubnaha isha siyaasaddu hayso ee wufuudda Gudoomiye Baashe ka mid ah.  Mudane Cabdirisaaq Khaliif ayaa la filayaa inuu dhowaan ku dhawaaqi doono inuu u sharaxanyahay Golaha Wakiilada isagoo huwan calanka Xisbiga WADDANI oo uu haatanba ugu qoranyahay Gudoomiye Ku Xigeen.
Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kale ee wefdiga ka dhex muuqda waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Mudane Yaasiin Maxamuud Faratoon, Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE Xuseen Aadan Cadde, iyo Xildhibaan Qareen Maxamed Jaamac Cabdi.
It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin