XAGGEE KU OGEYD MADAXWEYNIHII KHAATUMO?!!

0
309

Wararka naga soo gaadhaya magaalo xeebeeda Berbera ayaa tilmaamaya Mudane Proff. Cali Khaliif Galaydh inay magaalada Berbera uga bilaabatay nasasho iyo dalxiis uu ku manjo-baxsanayo goobaha caanka ah ee magaaladaasi Berbera.

Muuqaalo maanta lagu wadaagay baraha bulshada ayaa waxaa si gaar ah uga muuqda Proff. Galaydh oo Xeebta Batalaale ku fidsaday kuraasta lagu jiifsado isagoo aanay ka muuqan inuu dabaashay.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu odaygu soo booqday goob lagu tilmaamo inuu Cilmi Boodhari ku aasan yahay, waxaana magaalada Berbera la isla dhex marayaa inaanay isaga iyo mataankiisii kale ee Ololaha Tabliiqiga Siyaasaddu hadda isku aragti ka ahayn hawsha la xisaabtanka Dawladda Somaliland.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan xidhiidhka labada macallin [Galaydh iyo Samatar] oo soo baxay, haseyeeshee dadweynihii magaalada Berbera kaga qayb galay kulan ay habeen hore si wada jir ah ugu qabteen waxay bartan laascaanood.com u xaqiijiyeen inay doodooda si weyn uga soo if baxday kala aragti duwanaanta asiibtay xidhiidhkii labada macallin.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin