DAAWO-Xanuunka Shuban Biyoodka Oo Ka Dilaacay Buuhoodle Dilayna Ugu Yaraan 12 Ruux

0
252

Ugu Yaraan Ilaa 12 Ruux Oo 5 Kamid ah Ay yihiin Caruur Da’doodu ka Hoosayso 5 Sano ayaa Xanuunka Shuban-biyoodka Ugu Geeriyootay Cusbitaalka Guud Ee magaalada Buuhoodle    Dad Tiradoodu Gaadhayso Ilaa 36 Lix Ruux ayaa Xanuun kaasi la Jiifa Cusbitaal Guud ee Buuhoodel kuwaas oo Halkaasi lagu Dabiibayo Sida Uu Sheegay Dr maxamuud Axmed  Oo Ka Mid ah Dhakhaatiirta ka Howl gala Cusbitaalka  Guud Ee Magaaladda Buuhoodle

Xanuunka Shuban Biyoodka ayaa 4 Maalin ka Hor Buuhoode ka dilaacay Waxayna Dhakhaatiirku Codsanayaan Gurmad Caafimaad oo deg deg ah in lala Soo Gaadho,Waxaana Cusbitaalka Ku Yar Faleebooyinka lagula Tacaalo Dadka Xanuun-kaasi soo Ritay Dadka imaanaya Cusbitaalka ayaa Dhakhaatiirku Daawaynta Kaso kow Waxay Hooyooyinka u samaynayaa Wacyi gelin Waxayna U Sheegayaan Inay Iska Kar-kariyaan Biyaha Ay Cabayaan

 

 

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin