XILDHIBAAN SICIID M. CILMI SIRAADLE: “OGAADA WAA GEF IN LA YIDHAAHDO LAASCAANOOD WAXAA KA ARIMINAYSA HAL BEEL OO KELIYA OO WELIBA LAGU SHEEGO BEESHA AAN ANIGU KA DHASHAY. NINKA ILA DHASHAY EE MOODA IN LOO SED BURYEYOOW OGOOW WAXAAD JEEBKA GASHATAY WAA HAFAR, WAA ISKU DIRIS, WAA FITNO ABUURIS, WAA GARAAD XUMO, WAANA CEEB. ”

0
5002

xildhibaan siciid maxamed cilmi siraadle“Waxaa dhowaan magaalada Laascaanood u ambabaxay wefdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Yaasiin Faratoon.  Wefdigan oo ay ahayd ujeedadoodu inay la soo xaajoodaan dadweynaha si meesha looga saaro tabashooyin is dul fuulay oo ku saabsanaa dhinacyada nabadaynta, adeegyada bulshada iyo meelmarinta go’aanadii shirarkii kala duwanaa ee lagu qabtay goobo ka tirsan Gobolka Sool.  Waxaynu wada ogayn hadalada ka soo yeedhayey odayaasha iyo waxgaradka Laascaanood iyo Taleex ee bidhaaminayey saluugga baahsan ee dadkaasi ka muujiyeen meel marin la’aanta go’aamo hore loola soo gaadhay.

Haddaba halkii laga filayey in wax la saxo ayaa waxaa muuqata in dadkii degaanka iyo dawladdii la sii kala fogeeyey, dhanka kalena dadkii Laascaanood fitno cusub loo beeray.

Waxaa ila soo xidhiidhay odayaal iyo waxgarad jooga Laascaanood  oo tilmaamay in qaabka hadda wax loo wadaa ee wefdigani la soo shir tegey ay tahay mid ay ka shaki qabaan in si ku talo gal ah wax loo sii kala fogeynayo.

Hal qodob oo keliya u fiirso…Ummaddii hadashay ee walaaca muujisay waxay ka hadleen wixii shirar aynu ku soo galnayRelated image Awrboogays, Laascaanood iyo Adhicadeeyey midnaba waxba kama fulin.  Waxay ahayd in qodobadii xad dhaafka ahaa ee heshiisyadaas hore ku qornaa laga wada hadlo.  Kooxdan hadda Laascaanood ku noqotay waxay la soo shir tageen ”na astura oo warqad iyo qodob kale soo saara”.  Waxaa ka dareeray raggii bud dhigaha u ahaa heshiisyadii la galay oo welibana ah inta ehelka u ah xalka iyo talada degaanadaasi.

Waxayna taasi keentay inay madax dhaqameedkii iyo waxgaradkii Laascaanood is fahmi waayeen wefdigaas shirkoodii koowaadna fashil ku soo dhammaaday.  Waxaase yaab leh, markii ay quusteen, inay kooxdii Hargeysa ka tagtay ee wefdiga sheeganaysey soo ururiyeen saraakiishii gobolka Xukuumadda u joogtey iyo dhawr oday soona qorteen wax ay ku sheegeen baaq beeleed. Beesha ay sheegayaan waa tan anigu ka dhashay Wakiilkana u ahay. Dhammaan waxgaradkii aanu wada hadalnay waxay ii xaqiijiyeen in iyagoo ka xun waxaas halkaas ka dhacay uu yahay wax aan beesha ka soo bixin, kooxaysi ah, kala fogeyn ah ayna ummadda Somaliland u sheegayaan inay ka feejignaadaan kala shakiga ay abuuri karto afmiishaaraynta iyo docadocaynta lagu hayo wada tashiga dadka Sool iyo Xukuumadda.

Ogaada waa gef in la yidhaahdo Laascaanood waxaa dega oo ka ariminaysa hal beel oo keliya oo weliba lagu sheego beesha aan anigu ka dhashay.  Ninka ila dhashay ee mooda in loo sed buryeyoow ogoow waxaad jeebka gashatay waa hafar, waa isku diris, waa fitno abuuris, waa garaad xumo, waana ceeb. 

Haddaba, anigoo Wakiil ka ah dadka sida khaldan loo maamulay taladooda ee cabanaya, arkayna sida loo jaha wareeriyey wada hadaladii wanaagsanaa ee u dhexeeyey Xukuumadda iyo dadka degaankayga waxaan Madaxweynaha, Mudane Maxamed Axmed Maxamed Siilaanyo, u soo jeedinayaa in hawlaha nabadaynta iyo wada hadalada ee Sool loo saaro Guddi ka madax bannaan siyaasiyiinta degaanka ee weesaaqiyey taladii degaanadaasi.”

Wa Billaahi Tawfiiq

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin