XILDHIBAAN SICIIDOW ANUU WAXAAN KUU AQAANAA NIN AAN AQOON U LAHAYN BEESHA UU KA SOO JEEDO – W/Q GARAAD YUUSUF CAWAD (SHIINE)

0
228

Nin Libin kaa Xisdiyey, Xumihii waa yaab, Waxaan u sheegayaa xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi Inuu ka waantoobo Hagar damaada iyo been abuurka uu ka wado gobolka sool iyo sanaag Ee belaha dhulbahante, isagoo lidi ku ah horumarka iyo isku tiirsananta beesha.

Isaga oo Wasiirka arimaha gudaha iyo wasiirka biyaha Mudane Xuseen Cabdi boos ku tilmaamay inay kala qaybinayaan belaha dega gobalka sool, waxanaanuna og nahay in labadaa wasiir Doormuhiima ka qaateen Iskutiirsanaanta iyo walaalaynta beesha gobolka, iyago ka shaqeyey inay si niyad san u midoobaan kana soo saaray go’aano dhaxal gal ah oo ah raalk ka yihiin Bulshada Laascanood.

Hadaba waxan u shegaya xildhibaanka inuu ku guul daraystay waxbaqadki looga fadhiyey ee Gobolka sool iyo Sanaag aanayna jirin wax alaale iyo wuxu u qabtay mudada u xildhibanka yahay, waxanuna ognahay o cidkasta ka warqabtaa inuu xildhibaanku  ka shaqenayey kala tafaraaruq sananta bulshada  gobalada sool iyo sanaag iyo sidii ay labada gobolba uga goi lahaayen jamhuriyada somaliland.

Xildhibaanku wuxu sheegay inu ka tirsan yahay xisbi xakimka Kulmiye waxaanuna og nahay inanay jirin xisbi u ku jiro iyo meel loogu so hagaago toona  hadaba Waxan u shageyaa xildhibaanka Inanay labadan wasiir ku iman isxambaar ee ay ku yimadeen Rabitaan dowladeed iyo mid shacaba mudadii ay xilka hayeena wax badan u qabtay dalka iyo dadkaba baal dahabana kaga suntan Tariikhda somaliland.

Waxa kale oo Nasiib daro ah in Odayaashii Reerka ee madax dhaqmedka ahaa garaadadii iyo cuqaashii uu ku tilmaamay in ay yihiin askar ama ciidan la soo ururiyay oo koofiyado loo so xidhay taasna waxa ay ku tusasaa in aanuu Garasho iyo aqoon u llahayn Xildhibaanku Beesha Uu Ka SO Jeedo ama uu ka dhashay

W/Q/ Garaad Yusuf  Cawad Shiine


F. Gaar ah:  Laascaanood.com  sinaba masuul ugama aha lahaanshaha, waxyeelada iyo xushmadda ra’yiga qoraaga.  Wax kasta oo ka dhasha qormadan waxaa gaar u leh qoraaga.

 

 

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin