Xisbiga Wadani oo Xoghaye Cusub u Magcaabay Siyaasi Cabdi Haybe Oo Kasoo Jeeda Gobolka Hawd

0
163

Hargeysa (LAASCAANOOD):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu war saxaafadeed oo hada soo saaray ku sheegay in uu xil  cusub u magacaabey siyasiga Cabdi haybe oo ka tirsan siyaasiyiinta xisbigaasi ku jira

 

Waxaana War Saxaafadeedku u dhiganaa Sidan :

 

Ku: Cabdi Haybe Maxamed                                                                                          =Hargeysa=

OG: Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI                                                                   =Hargeysa=

OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI                                                                           =Hargeysa=

OG: Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI                                                             =Hargeysa=

Ujeeddo: Magacaabis Xil

Markaan darsay:                  Qodobka 28aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan Arkay:         Baahida loo qabo in la buuxiyo Jagada Xoghayaha Hawlaha Guud   iyo
Guriyeynta

Markaan la Tashaday:         Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

 

Markaan ku Qancay:           Waayo-Aragnimada iyo Aqoonta uu leeyahay Md. Cabdi Haybe Maxamed

Maanta oo taariikhdu tahay 29 July, 2016ka wuxu Hoggaanka Xisbiga WADDANI go’aamiyey in Mudane Cabdi Haybe Maxamed uu noqdo Xoghayaha Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xisbiga WADDANI.

Waxaanu Ilaahay ka baryeynaa in uu ku soo kordhiyo Xisbiga WADDANI fikrado wax-ku-ool ah iyo in uu  ku soo biirin doono  waayo-aragnimadiisa iyo khibradiisa u gaarka ah.

ALLA MAHAD LEH

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro)

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin