XOG CUSUB: QURBAJOOGII SSC OO KAARTO CUSUB HARGEYSA KALA DHEX TOOSAY

0
367

Warar aanu ka helnay Ilo Xogogaal ah oo hadda ku sugan magaalada Hargeysa ayaa laascaanood.com u xaqiijiyey in halkaasi dhowaan lagu aasaasay madal ay gadhwadeen ka yihiin xubno qurbajoog ah oo u dhashay degaanada SSC.  Qurbajoogan oo aqlabiyadoodu tahay xubno taageero buuxda la garab taagnaa Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane CIRRO, xilligii doorashada Madaxtooyada Somaliland ayaa, sida goobo kala duwan aanu ka xaqiijinay, isku urursaday madal ay ugu wanqaleen magaca ah “MADASHA AQOONYAHANKA BEESHA DHULBAHANTE”.

Inta la hubo tiro ah tobaneeyo Qurbajoog ah oo hadda ku sugan Hargeysa ayaa la xaqiijiyey inay bud-dhigayaal u yihiin madashan cusub. Xubnahan waxay laascaanood.com ogaatay inay ka mid yihiin Maxamed Axmed Cali [Dabagaale], Dr. Yuusuf Saleebaan Cismaan [Sancad], iyo xubno magacyadooda lagu soo koobay Eng. Gufurre, Wadacas iyo Ina Kooreeye.

Ma cadda ujeedada loo unkay madashan, haseeyeeshee  dadka siyaasadda falanqeeya in badan oo ka mid ah waxay isku raacsanyihiin inay tahay “KAARTO” ama hindise cusub oo shakhsiyaadkan qaar ka mid ahi ku doonayaan inay helaan wadiiqo ay u maraan Madaxweyne Biixi si ay u hantaan kuraasta Xukuumaddiisa intii suuragal ah.

Dhaqdhaqaaqa Madasha Aqoonyahanka Qurabajoogga ah ee Beesha Dhulbahante ayaa ku soo beegantay xilli la hadal hayo isku shaandhayn [Wax ka beddel] cusub oo Madaxweyne Biixi la maaganyahay Xukuumaddiisa oo maalmihii ugu dambeeyeyba la saadaalinayey inuu ku dhawaaqi doono dabayaaqada sannadkan.

Dhanka kale, wararka ka imanaya Hargeysa ayaa xaqiijinaya in durbaba Madashani kulankeedii koowaad la yeelatay Madaxweyne Biixi kaasoo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland.  Warkani wuxuu muujiyey in kulankani aan si buuxda loo ogeysiin, loogana qayb gelin, Wasiirada Xukuumadda Biixi ee u dhashay degaanada SSC inkastoo warar xog ogaal ah u sheegeen laascaanood.com in goor dambe xubin ka tirsan Wasiiradaasi si aan qorshaysnayn looga qayb geliyey kulanka Madasha iyo Madaxweynaha.

Ma jiro wax war ah oo kooxda ku bahowdey madashani ilaa hadda ka soo saareen abuurista madasha, ujeedooyinkeeda iyo kulankii Madaxweyne Biixi, midnaba.  Sidoo kalena, Madaxtooyada Somaliland wax war ah kama soo saarin dhacdada kulanka Madaxweynaha iyo hogaamiyeyaasha Madasha, haseyeeshee Ilo kala duwan oo aanu la xidhiidhnay waxay noo xaqiijiyeen in wada hadalkii Madaxweyne Biixi u dhacay si isfaham ka muuqdo islamarkaana loo ballamay kulan dambe.

Wixii war ah ee dhaqdhaqaaqa madasha ka soo kordha kala soco laascaanood.com


Haddii aad hayso war, ra’yi, cabasho, faallo ama  sawir ku saabsan ama si uun ula xidhiidha warkan ku soo dir [email protected]

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin