XOG MUHIIM AH: MASHAARIICDII MAANTA LA DHAGAX DHIGI LAHAA OO LA HAKIYEY, MADAXWEYNE BIIXI OO GUURE KAGA BAXAY LAASCAANOOD

0
231

Xalay saqbadhkii ayaa Madaxweyne Muuse Biixi guure kaga baxay Magaalo Madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood kadib markii uu shalay ku yimi booqasho gaaban oo Mudaharaad dhalisay.

Dhalinyaro aan ilaa Hadda la sugin tiradooda, una badan arday, ayaa ku dhaawacmay mudaharaad iyo qalalaase hadheeyey booqashada Madaxweynaha ee degmadan Laascaanood.

Madaxweynaha ayaa la qorshaynayey inuu maanta magaalada Laascaanood ka furo mashaariic dawladaha Yurub ugu deeqeen Gobolka oo ay ka mid yihiin Dugsiga Hoyga ee laga bineeyey Dugsigii Dhexe ee hoyga ahaa ee hore iyo ballaadhin lagu samaynayey Cusbitaalka Guud ee Laascaanood.  Sidoo waxaa maanta la saadaalinayey inuu dhagax dhig u sameeyo dhawr barnaamij oo degmada laga bilaabi lahaa oo ay Hay’adaha Caalamku ugu deeqeen.

Haseyeeshee calool xumo ka dhalatay mudaharaadkii gilgley magaalada Laascaanood shalay iyo, sidoo kale, cabsi laga ka soo korodhay inay maanatana mudaharaadyo waaweyni dib u bilaabmi karaan ayaa warar hoose sheegayaan in Madaxweynuhu ka cadhooday.  Sidaasi darteedna go’aansaday inuu guure kaga baxo Laascaanood.

Soo dhoweyn si gaar ah loo sii abaabuley oo Madaxweynaha loogu sameeyey duleedka magaalada ayaa waxaa ka soo qayb galay, badiba, shaqaalaha Xukuumadda Somaliland, shirkadaha ka diiwaangashan Somaliland iyo waxgarad kale oo uu hogaaminayey Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil. Muddadii koobnayd ee uu joogey degmadan Laascaanood wuxuu booqday  oo keliya Ciidanka Somaliland ee qabsaday degaanka TUKARAQ.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Maamulka, haseyeeshee waxaa xubno degaanka u dhashay oo saraakisha ugu saraysa xukuumadda Mudane Biixi ah, goobjoogna u ah safarkiisu, u sheegeen bartan laascaanood.com in Madaxweynuhu dareen ka qaatay kala qoqobnaanta Masuuliyiinta degaanka u dhashay iyo dadweynaha Laascaanood.

Wararku waxay intaasi ku dareen in Madaxweynuhu maanta ka qadayn doono degmada Garadag oo la filayo in lagaga maydhi doono guuxii iyo mudaharaadkii Laascaanood ku qaabishay.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin