Wararka XOG, QORAAL LA HELAY: SOMALILAND OO KA SHAKISAN SHIRKA BEESHA SAMAROON By editor - 23rd January 2019 0 1054 Share on Facebook Tweet on Twitter Qoraal muujinaya xadka maamulka Hargeysa ka shakisanyahay dhaqdhaqaaqa ayna wadaan xubno si weyn looga yaqaano degaanada Awdal iyo dhulka Soomaalida ayaa soo gaadhay saxaafadda. Qoraalkan oo uu ku saxeexanyahay Gudoomiyaha Gobolka Awdal, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali, kuna socodsiiyey [loo diray] Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin, ayaa cinwaankiisu yahay “WARBIXIN SHIRKA GADABUURSI”. Gudoomiyaha ayaa si tuhun leh qoraalkiisa ugu muujiyey in Suldaan Wabar, Proff. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Sheekh Xasan Daheeye ka dhex muuqdaan abaabulka shirka Beesha Gadabuursi oo sida uu warqaddiisan ku xusay lagu ballamay degmada Awbarre 25ka bishan January, 2019. Xubnaha magacyadooda lagu xusay qoraalkan ayaa ah kuwo loo tirayo inay qabaan aragtida Somaliweyn iyo Federaalnimada ah, sidoo kalena aanay aaminsanayn in Gobolada Woqooyi laga gooyo Soomaalida inteeda kale. HALKAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKII SHIRKA GADABUURSI: It's only fair to share...FacebookGoogle+TwitterLinkedin