“Majority ayay noqdeen oo waa nalaga batay” Sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay Mudane Xasan Yuusuf Ducaale, xubinta Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee xisbiga UCID. Mudane Xasan ayaa warbaahinta uga waramayey qaabkii ay maanta u dhacday doorashadii Gudoomiyaha Komishanka Cusub, Riyoraac, taasoo lagu qabtay Xarunta xafiiska u ah Komishanka maanta. Mar la weydiiyey sida uu u arko xubinta la doortay wuxuu sheegay inaanu ka hor dhacayn “Xubinta la dooraty [Riyoraac] waanu eegaynaa siduu noola shaqeeyo iminka…Shakhsiyan uma diidani ninkaa Cabdirashiid Riyaraac ee Gudoomiyaha noqday “.
HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKAAS OO DHAN: