Xukuumadii Kulmiyee Kas Daran, Miirooga Kenya Aan Ku Wada Mirqaanay Maantana Keentay. Qore Sir Abdirahman Hussein.

0
230

 

Borama(Laascaanood) Mawduuca Maanta Waxan Ku Falanqayn Doonaa Kulankii Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Uu La Yeeshay Wafti Uu Hogaaminayay Peter Munya Oo Siyaasi Awood Badan Ku Leh Siyaasada Dalka Kenya Badhasaabna Ka Ah Gobol Soo Saara Qaadka Nooca Loo Yaqaan Miirooga Oo Markii Hore Loo Dhoofin Jiray Wadanka Uk, Balse Haatan Bilaa Suuq Noqday Ka Dib Markii Ay Uk Qaadka Ka Joojisay Wadankeeda.

1497044_756454954487455_6477298687284849720_n

Xukuumada Xisbiga Kulmiye Waxay Ku Fashilantay Hogaamintii Dalka Ilaa Heer Maanta Ay Qaadka Miirooga Wax Aqoonsi U Eg Ku Badalato, Toloow Ma Caafimaad Daro Inay Dadka Ku Rido Oo Qoysas Badan Kala Gayso Ayay Ku Tala Gashay Marka Ragii Qaadka Qamaamiinta Ku Ahaa Miiroo Miyirka Doorinaya Ay Maanta Ugu Keento Dalka.

Mise Waxaabay Is Leedahay Dadku Hawada Mirqaamoo, Ha Wada Miyir Beeloo Yaan La Xasuusanba Inay Doorasho Inagu Soo Fool Leedahay.

Dhaqaalaha Dalkeena Ee Taagta Darani Waxa Uu La Daalaa Dhacayaa Qadarka Lacageed Ee Dadkeenu Ku Cunaan Qaadka Inooga Yimaada Itoobiya, Waxaana Ilaa Hada La Tahli Kari Laayahay Qaabkii Dadkeena Ku Mamay Qaadka Looga Joojin Lahaa.

Si Kastaba Ha Ahaatee Xukuumadii Kulmiyana Waxay Furtay Albaab Kale Oo Dumar Badan Furniin Ku Dalban Doonaan, Rag Badana Biilkii Reerahooda Ay Siin Lahaayeen Miirooga Kenya Ku Doonan Doonaan.

Dadka Reer Somaliland Oo La Yaaban Hadalka Ka Soo Yeedhay Peter Munya Iyo Wasiir Sacad Cali Shire Kana Dhur Sugaya Go’aanka Uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Qaadan Doono Ayaa Waxaaba Soo Baxaya Xilibaano Taageero U Muujiyay In Qaadka Miirooga La Keeno Dalkeene Waxaana Ka Mida Xilibaanadaasi, Xilibaan Xasan Cawaale Caynaan Oo Aan U Meel Dayin Hadaladiisa Had Iyo Jeerna Shilin Ka Hadliyo.

Xukuumada Kulmiyee Kas Daran Iyo Ganacsatada Dhiiga Shacabkooga Ku Mamay Waxay Had Iyo Jeer Iska Kaashadaan Wax Aan Dan U Ahayn Dalka Iyo Dadkaba, Shacabkuna Waa War Moogayaal Aan La Socon Heshiisyada Hadhaw Qudhooda Lagu Jari Doono Iyo Goobaha Naftooda Lagu Kala Iibsado, Waxaanay Baraarugaan Goor Xeedho Iyo Fundhaal Kala Dhaceen.

Hadaba Waxan Leehay Xilibaanada Golaha Wakiilada Ee Aan La Mahadin Bal Maanta Shacabkii Idin Soo Doortay U Tudhoo Khaatumadiina Wanaajistoo Heshiishkaa Qaadka Miirooga Kenya Lagu Keenayo Dalkeena Is Hortaaga Oo Diidmo Qayaxan Kaga Hor Taga Oo Ka Madhan Mucaarid, Muxaafid, Iyo Shilimaad Hoosta La Iskugu Dhiibo.

Waxay Noqon Doontaa Taariikh Dadkii Idinka Quustay Rajadooda Dib U Soo Noolaysa Wixii Aad Hore U Gaysateena Way Masixi Doontaa Xilibaano Hadaad Maanta Bad Baadisaan Qarankan Xukuumadii Loo Igmaday Baylihisay Ee Meel Daran Ka Tuurtay.

 

Wabilaahi Tawfiiq.

Sir Abdirahman Hussein

[email protected]

Borama.

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin