XULALKA KUBADA CAGTA EE GOBOLADA SOOL IYO XAYSIMO OO SOO GAADHAY HARGAYSA XILI CIYAARAHU BILAABMAYAAN MAALINTA KHAMIISTA

0
304

Hargaysa(LAASCAANOOD)Ciyaartoyda Kubada cagta ee Gobolada Sool iyo xaysimo ayaa manta Soo gaadhay Magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland oo Ay ka bilaabmayaan maalinta Khamiista Koobka gobolada Somaliland oo ay ku tartamayan Kooxaha Heerka Koowaad ee Ka Dhisan Gobolada Dalka

Ciyaartoydan Waxaa Si Weyn loogu Soo Dhoweeyey Magaalada Hargaysa Iyadoo la dejiyay Goobo loo Qorsheeyey inay Degaan inta ay ka qayb galayaan koobka

14680631_1261140957260900_6057440919744978145_n 14681778_1261140283927634_314690319656197196_n 14690832_1261140010594328_8416937207551975823_n 14708293_1261140633927599_3914508588704675846_n

Ciyaartoyda Xulka Gobolka Xaysimo Ayaa Waajahaya Ciyaarta ugu horeysa ee Koobka gobolada waxaana ay Fooda Is Dari doonaan Maalinta Khamiista ee Bilawga Koobka Gobolka Saaxil oo ay isku Guruub yihiin waxaana looga fadhiyaa inay muquuniyaan Gobolkaasi Saaxil oo Awoodiisa Ciyaareed aanay Aad u fiicnayn

Xulka Gobolka Xaysimo ayaa Kasoo Gudbay Wareegii hore ee Koobka Gobolada Somaliland Ciyaaro Adag oo uu Magaalada burco Kula Galay Kooxaha Sanaag iyo Saraar oo ay isku Dhaceen Balse ay Ka Adkaadeen

It's only fair to share...Share on Facebook
Facebook
Share on Google+
Google+
Tweet about this on Twitter
Twitter
Share on LinkedIn
Linkedin